​44 qof oo ku dhintay Saxaraha Niger

Image

Muhaajiriin ka badan 40 qof ayaa lagusoo waramayaa inay ku halaagsameen Saxaraha ka sokeeya Liibiya xilli ay kusii jeedeen waddankaas iyagoo raadinaya inay galaan dalalka Yurub oo ay ku tuhmayaan nolol ka wanaagsan midda ay ku haystaan waddamadooda.

Dadka dhintay ayaa la tuhunsanyahay inay sababsadeen Harraad xilli ay ku go’doomeen saxaraha dalka Niger ka dib markii uu ciladoobay gaarigii ay ku safrayeen.

Lix qof oo ka badbaaday oo dhammantood dumar ah ayaa gaaray tuullo deegaankaasi u dhow, waxayna sheegeen inay dhinteen 44 qof oo iyaga la socday.

Waxay sheegeen in carruuri ay ka mid ahayeen dadkii dhintay.

Dadkan oo u dhashay dalalka Ghana iyo Nigeria ayaa la sheegay inay u socdeen Liibiya si ay ugu sii tallaabaan Yurub.

Markii uu gaariga ka xumaaday ayaa waxay ay ku xayirmay dhul lama degaan ah oo ku yaalla Waqooyiga dalka Niger.

Maaha markii ugu horaysay oo dad muhaajiriin ah ku dhintaan saxaraha.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiin dalalka dadkaasi kasoo jeedaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM