48 qof oo ku geeriyoodey dab qabsadey warshad ku taal Philippine

Image
Image
Image
Image

May 14, 2015 (GO)- Ugu ayraan 48 qof ayaa ku geeriyoodey dab qabsadey warshed kabaha lagu sameeyo oo ku taalla duleedka magaalada Manila ee caasimadda dalka Philippine.

Badi dadka dhintey ayaa ku neef qabatoobey qiiq madow ka dhashay dabka, kadib markii ay ku xanibmeen dabaqa labaad ee dhismaha wershedda.

Booliska ayaa sheegay in lasoo badbaadiyey qaar kamid ah shaqaalaha balse weli la la'yahay lix iyo labaatan qof, waxaana cabsi laga qabaa in tirada dhimashadu sii kororto. Deminta dabka ayaa qaadatey muddo shan saac ah.

Adeegyada dab-demiska iyo badbaadada ayaa gabaabsi ku ah deegaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dalka Philippine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM