48 qof oo ku geeriyoodey dab qabsadey warshad ku taal Philippine

Image
Image
Image
Image

May 14, 2015 (GO)- Ugu ayraan 48 qof ayaa ku geeriyoodey dab qabsadey warshed kabaha lagu sameeyo oo ku taalla duleedka magaalada Manila ee caasimadda dalka Philippine.

Badi dadka dhintey ayaa ku neef qabatoobey qiiq madow ka dhashay dabka, kadib markii ay ku xanibmeen dabaqa labaad ee dhismaha wershedda.

Booliska ayaa sheegay in lasoo badbaadiyey qaar kamid ah shaqaalaha balse weli la la'yahay lix iyo labaatan qof, waxaana cabsi laga qabaa in tirada dhimashadu sii kororto. Deminta dabka ayaa qaadatey muddo shan saac ah.

Adeegyada dab-demiska iyo badbaadada ayaa gabaabsi ku ah deegaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee dalka Philippine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM