8 jir noqdey qofkii ugu horeeyay Yahuuda dishay sanadka cusub 2025

Image
Duqaymaha Israel ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Khuloud Abu Daher oo 27 jir Falastiini ah.

ANKARA, Turkey - Milatariga Israa’iil ayaa ku dilay Gaza laba Falastiiniyiin ah, oo uu ku jiro wiil 8 jir ah, saacadihii hore ee sanadka cusub ee 2025, sidda ay warisay TRT World.

Wararka ayaa sheegaya in milatariga Israa’iil ay duqeeyeen guriga qoyska Abu Dhaher oo ku yaalla xerada Bureij saacadihii hore ee Arbacada maanta ah.

Goobtaas ayaa waxaa ku dhintay Adam Farhallah oo siddeed jir ahaa kaas oo noqday qofkii ugu horreeyay ee falastiiniyiin ah iyo sidoo kale cunuggii ugu horreeyay ee Israa’iil ay ku disho Qaza sannadka cusub ee 2025-kii.

Muuqaal murugo leh oo ay wadaageen dadka u dhaqdhaqaaqa deegaanka ee X ayaa muujinaya wiil dhalinyaro ah oo Falastiini ah oo u dhow meydka Farhallah, oo haya lugtii ka go'nayd ilmaha.

"Ilmaha waxa uu ku seexday gaajo iyo qabow...bilawga sanadka 2025 tanina way ku dhacaysaa isaga," ayuu yiri mid kamid ah dadka ka dhex-hadlaya muuqaalka.

Duqaymaha Israel ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Khuloud Abu Daher oo 27 jir Falastiini ah, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ugu hanjabay Iran Dagaal ka weyn kii hore haddii diido ‘Heshiis Rasmi Ah’

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, ayuu Trump ku sheegay in joogitaankan uu ka koobnaan doono.

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 05:33AM

Lubnaan: Israel oo 112 qof ku dishay duqeymo Maanta fulisay

Lubnaan waxay ku jirtaa xaalad adag, dadka rayidka ah ayaana bixinaya qiimaha ugu sarreeya ee colaaddan.

  • Caalamka

    08-04-2026

  • 04:28PM