Aayatulaahi oo sheegay in mustaqbalka Iran aanu ku xidhnayn Nukliyeerka

Image
Khameni ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu ka baxay balamihii, heshiiskii la isku ogaana uu jabiyey.

TEHRAN, Iran - Hogaamiyaha ugu sareeya Iran ayaa sheegay in mustaqbalka wadankiisa uusan ku xirneyn guusha ama burburka wadahadalada Nukliyeerka ee ay la leeyihiin quwadaha caalamka, warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warantay, isagoo intaa ku daray in wada xaajoodka dib loogu soo nooleynayo heshiiskii Nukliyeerka ee 2015-ka uu si wanaagsan u socdo.

Aayatulaah Cali Khameni, oo isagu leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka sida barnaamijka Nukliyeerka ee Iran, ayaa hadalkan jeediyay ku dhawaad hal bil kadib markii uu joogsadeen wadahadalo dadban oo u dhaxeeyay Iran iyo Mareykanka.

Labada dal ayaa midba midka kale ku eedeeyay rabitaan la'aan siyaasadeed oo lagu xallinayo arrimaha haray. "Gabi ahaanba ha sugin wadahadalada nukliyeerka ee dalka in ay hore u socdaan," Aayatulaah ayaa ka sheegay kulan ay isugu yimaadeen saraakiil sarsare.

"Ha u ogolaanina in shaqadaada la carqaladeeyo haday wada xaajoodyadu gaadhaan natiijooyin togan ama mid taban," ayuu sii raaciyey. Maamulkii madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay heshiiskii Nukliyeerka 2018, isagoona dib ugu soo rogay cunaqabateyn dhaqaale oo curyaamisay Iran.
Khameni ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu ka baxay balamihii, heshiiskii la isku ogaana uu jabiyey.

Iran ayaa sanad ka dib bilowday inay jabiso qodobo ka mid ah heshiiskii barnaamijka Nukliyeerka ee 2015-kii iyadoo sheegtay in barnaamijkeeda uu yahay mid nabdoon.

Mid ka mid ah arrimaha aan la xallin ayaa ah in Washington ay ka saarto (IRGC) liiska ururada Argagaxisada Dibadda Mareykanka ee (FTO) taas oo ay dalbatay Tehran si heshiiska dib loogu soo nooleeyo.

Dadka dhaleeceeya ka saarista IRGC ee liiska argagixisada ayaa sheegaya in ay yeelan doonto saameyn dhaqaale oo yar iyaga sabab uga dhigaya in cunaqabataynta kale ee Mareykanka ay ku qasbi doonto maalgashatayaasha ajnabiga ah inay ka fogaadaan kooxda.

IRGC ayaa waxaa aas-aasay Aayatulaah Ruhollaah Khomeni taas oo lahayd cudud milatari oo awood badan ka hor inta aan lagu soo rogin cunaqabateyn 2017-kii, iyadoona lagu daray liiska FTO bishii Abriil 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM