Abramovich: Agoonkii noqday maalqabeenka la cunaqabateeyay

Image
Isaga oo saddex sano jir ah ayay hooyadiisa dhimatay. Laba sano kadib, aabihii ayaa ku dhintay shil.

LONDON, Britain - Maalqabeenka Ruushka iyo mulkiilaha Chelsea, Roman Abramovich, ayaa ka badbaadey wax lagu sheegay "shaki la xiriira isku-day sumayn ah" kadibmarkii uu caasimadda Kyiv horaantii bishaan kula kulmay wakiilo ka socdey dowladda Ukraine si uu ugala xaajoodo "arrimo khuseeya nabadda", sida ay warbaahinta caalamka kasoo xigatay dad la socday qadiyadan.

Abramovich ayaa waxa uu noqday agoon isaga oo saddex jir ah balse waxa uu ka mid noqday maalqabeenada aduunka kadib dedaal dheer oo uu ku bixiyey sidii uu nafsadiisa u horumarin lahaa.

Dhawaan xiriirka Roman Abramovich uu la leeyahay Vladimir Putin awadeed wuxuu ku waayey  ganacsigiisii ​​iyo sumcadiisii markii ay cunaqabateyn kusoo rogeen quwadaha reer galbeedka.

Roman Arkadyevich Abramovich waxa uu ku dhashay Saratov oo ku taalla koonfurta-galbeed ee Ruushka, oo dhawr boqol oo mayl u jirta soohdinta Ukraine, sannadkii 1966-kii.

Hooyadii, Irina, waxay u dhimatay sunta dhiig markii uu hal sano jir ahaa - aabihiisna wuxuu dhintay laba sano ka dib markii uu shil ku galay wiishka dhismaha.

Intaa ka dib Mr Abramovich waxaa soo koriyey qaraabadiisa, isagoo waqti ku qaatay Komi, oo ku taal waqooyi-galbeed ee Ruushka, halkaas oo lacagtu ay ciriiri ahayd, heerkulkuna hooseeyo.

Waxa uu dugsiga ka tagay isaga oo 16 jir ah, waxa uu kasoo shaqeeyay xirfadda makaanikadda isaga oo la howlgalay ciidanka cas ka hor inta aanu Moscow ku iibin alaabaha caaga ah ee lagu ciyaaro.

Waxa uu u guuray iibinta barafuun iyo agabyada kale ee la isku carfiyo. Ganacsigiisa waxa uu bulaalay intii uu xafiiska joogay hoggaamiyihii Soofiyeedka Mikhail Gorbachev kaasoo u oggolaaday ganacsatadda fursad ay ku horumariyaan ganacsigooda isla markaana siiyey maalgashi dowladeed taasoo Abramovich ka dhigtay shaqsiga uu waqti xaadirkan ka yahay caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo u mahadcelisay taageerayaasheeda kaddib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dadka sida weyn u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasaddiisa socdaalka.

  • Caalamka

    21-10-2026

  • 05:22AM

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM