Abramovich: Agoonkii noqday maalqabeenka la cunaqabateeyay

Image
Isaga oo saddex sano jir ah ayay hooyadiisa dhimatay. Laba sano kadib, aabihii ayaa ku dhintay shil.

LONDON, Britain - Maalqabeenka Ruushka iyo mulkiilaha Chelsea, Roman Abramovich, ayaa ka badbaadey wax lagu sheegay "shaki la xiriira isku-day sumayn ah" kadibmarkii uu caasimadda Kyiv horaantii bishaan kula kulmay wakiilo ka socdey dowladda Ukraine si uu ugala xaajoodo "arrimo khuseeya nabadda", sida ay warbaahinta caalamka kasoo xigatay dad la socday qadiyadan.

Abramovich ayaa waxa uu noqday agoon isaga oo saddex jir ah balse waxa uu ka mid noqday maalqabeenada aduunka kadib dedaal dheer oo uu ku bixiyey sidii uu nafsadiisa u horumarin lahaa.

Dhawaan xiriirka Roman Abramovich uu la leeyahay Vladimir Putin awadeed wuxuu ku waayey  ganacsigiisii ​​iyo sumcadiisii markii ay cunaqabateyn kusoo rogeen quwadaha reer galbeedka.

Roman Arkadyevich Abramovich waxa uu ku dhashay Saratov oo ku taalla koonfurta-galbeed ee Ruushka, oo dhawr boqol oo mayl u jirta soohdinta Ukraine, sannadkii 1966-kii.

Hooyadii, Irina, waxay u dhimatay sunta dhiig markii uu hal sano jir ahaa - aabihiisna wuxuu dhintay laba sano ka dib markii uu shil ku galay wiishka dhismaha.

Intaa ka dib Mr Abramovich waxaa soo koriyey qaraabadiisa, isagoo waqti ku qaatay Komi, oo ku taal waqooyi-galbeed ee Ruushka, halkaas oo lacagtu ay ciriiri ahayd, heerkulkuna hooseeyo.

Waxa uu dugsiga ka tagay isaga oo 16 jir ah, waxa uu kasoo shaqeeyay xirfadda makaanikadda isaga oo la howlgalay ciidanka cas ka hor inta aanu Moscow ku iibin alaabaha caaga ah ee lagu ciyaaro.

Waxa uu u guuray iibinta barafuun iyo agabyada kale ee la isku carfiyo. Ganacsigiisa waxa uu bulaalay intii uu xafiiska joogay hoggaamiyihii Soofiyeedka Mikhail Gorbachev kaasoo u oggolaaday ganacsatadda fursad ay ku horumariyaan ganacsigooda isla markaana siiyey maalgashi dowladeed taasoo Abramovich ka dhigtay shaqsiga uu waqti xaadirkan ka yahay caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM