Afghanistan: Nato oo duqayn ku dishay 22 ruux

Image

Warbixin ay soo saareen Baarayaal katirsan QM ayaa lagu sheegay in 22 ruux oo shacab ah lagu dilay duqeyn ciidamada NATO ka fuliyeen waqooyiga dalka Afghanistan.

Guddiga Baarayaasha ayaa tilmaamay in la bartilmaameedsaday goobo ay degan yihiin dad shacab ah, oo ku yaalla degmada Singin, ee gobolka Helmand Todobaadkii tagey.

Dadka shacabka ah ayaa 13 kamid ah waxay ahaayeen kuwa hal qoys kasoo jeedo, waxaana ay ku dhinteen gantaal ku dhacay gurigooda degmada Singin.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxay intaas ku dartay in khasaaraha dadka shacab ah kasoo gaarayo Duqeymaha NATO ee dalka Afghanistan uu sii kordhayo, iyadoo sheegtay in sanadkii 2016 lagu dilay dalkaasi 891 qof.

UN-ka ayaa ugu baaqay ciidamada dalkaasi iyo kuwa NATO inay aad uga taxadaraan dhimashada iyo khasaaraha soo gaaraya shacabka, xilliga ay fulinayaan howlgallada military ee ka dhanka ah Taliban iyo Al-Qaeda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM