Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Sean Spicer oo iscasilay

Image

Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arimiyo Maraykanka, Sean Spicer, ayaa iscasilay, ka dib markii sida la sheegay uu ka biya diiday isku shaandheyn lagu sameeyay kooxda warfaafinta ee uu madaxa u ahaa.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer uu shaqada ka tegay ka dib markii uu madaxweyne Donald Trump nin cusub u magacaabay agaasimaha warfaafinta ee Aqalka Cad. Anthony Scaramucci oo ah ganacsade laga yaqaano Wall Street ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub, shaqadaas oo uu si kumeelgaar ah u hayay Spicer.

Spicer ayaa todobaadyadii dambe qolka wararka ee Aqalka Cad ka mamnuucay kaamarooyinka telefishinnada.

Isku shaandheynta ayaa kusoo beegmaysa xilli mas'uuliyiin ka tirsan Aqalka Cad ay wajahayaan baaritaan ku aaddan faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore. Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer oo 45 jir ah uu rumaysan yahay in magacaabidda Scaramucc ay tahay "khalad weyn" oo uu sameeyay madaxweyne Trump. Mike Dubke oo hayay shaqadaasi ayaa iska casilay bishii May ee sanadkan, waxaana xilkaasi iyo afhayeenka Aqalka Cad isku hayay Sean Spicer.

BBC

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM