AFRICOM: Soomaaliya waxay nooga amni fiican tahay Kenya
WASHINGTON, USA – General Stephen Townsend, oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay amaan ku haystaan gudaha Soomaaliya, marka loo eego kuwa ku sugan Kenya, halkaasoo dhawaan la geeyey ka dib markii ay ka baxeen Soomaaliya.
Townsend, oo ka soo hor muuqday guddiga Senate-ka Mareykanka u qaabilsan ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in ka bixitaanka askarta Mareykanka ee Soomaaliya uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ay ku adkeyneyso in ay si hufan ula dagaalamaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in Al-Shabaab oo gacanta ku haysa dhul badan oo miyi ah oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay ka mid yihiin kooxaha argagixisada ah ee sida aadka u kobcaya, ugu dhaqaalaha badan, uguna weerarada badan. Kooxda ayaa jirtay ilaa sanadkii 2007-dii.
Jeneraalka ugu sareeya Africom oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka, ay keentay in ay baneeyaan dalkaan ay dagaaladu aafeeyeen taasoo halis gelisay dadka Mareykanka ah ee ku sugan dalalka dariska ah Soomaaliya, isla markaana dagaalku uusan ku filneyn.
"Aragtideyda ayaa ah in ka qaybgalkayaga xilliyada qaarkood, oo sidoo kale loo yaqaanno u safrida shaqada, uu sababay caqabado cusub iyo khataro ciidankeenna," ayuu yiri Townsend, oo si joogta ah u booqda Kenya iyo Soomaaliya labadaba.
"Qiimeyntaydu waxay tahay inaysan waxtar lahayn. ma ahan mid tayo leh, waxayna halis weyn galisay ciidamadeena,” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha oo tan iyo 2019-ka soo hagayay ciidamada Afrika.
Ku dhawaad 700 oo askari oo Mareykan ah ayaa laga soo saaray Soomaaliya 2021 waxaana dib loogu celiyay Kenya iyo Jabuuti. Askartan ayaa mas’uul ka ahaa tababarida ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Danab marka laga soo tago ilaalinta hawada xilliyada howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Warbixin uu qoray Wargeyska The Wall Street Journal ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka fiirsaneyso in ay Ciidamo dheeraad ah u soo dirto Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab. Talaabadan ayaa waxaa taageeray Aqalka Senate-ka Mareykanka iyo Pentagon-ka.
"Waxaan aragnaa in ciyaartan ay ka dhacayso Soomaaliya marka ay arrimuhu ka sii darayaan al-Shabaabna ay awood yeeshaan," ayuu yiri Senator James Inhofe oo Oklahoma ah oo ka soo horjeestay amarka Trump.
Kenya ayaa muddooyinkaan dambe sii xumaaneysay kooxda Al-Shabaab iyadoo weerarkii Jaamacadda Gaarisa iyo dhismaha Dusit D2 uu ahaa guulihii ugu darnaa ee ay kooxdu ka gaarto dhulka Kenya.
GAROWE ONLINE