Agaasimaha CIA oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Shiinaha

Image
Xiriirka u dhexeeya Beijing iyo Washington ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa soo food saaray culays ba’an.

WASHINGTON, United States - Si loo hagaajiyo xiriirka ka dhexeeya Beijing iyo Washington, agaasimaha hay'adda mukhaabaraadka arrimaha dibadda Mareykanka ee CIA, William Burns, ayaa booqday Shiinaha bishii lasoo dhaafay si uu wadahadal ula yeesho dhiggiisa waddankaas, sidda uu xaqiijiyey mas'uul Ameerikaan ah.

Booqashada Burns ee bishii Maajo, oo markii ugu horreysay ay soo warisay The Financial Times, ayaa ku soo beegantay iyadoo Washington ay isku dayayso inay qaboojiso xiisadda Beijing oo ay soo celiso khadadka isgaarsiinta iyadoo laga cabsi qabo in xiriirka labada quwadood ee caalamiga ah isku rogo colaad toos ah.

Warka ku saabsan booqashada Shiinaha ayaa ku soo aaday iyadoo maamulka madaxweyne Joe Biden lagu cadaadiyay inuu dib u soo celiyo xiriirka iyo jadwalka kulamadii u dhexeeyay mas'uuliyiinta sare ee kala duwan ee Washington iyo Beijing.

"Bishii hore, Agaasime Burns wuxuu u safray Beijing halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa Shiinaha wuxuuna ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo khadadka isgaarsiinta furan ee kanaalada sirta," ayuu sarkaal Mareykan ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Jimcihii.

Burns waxa uu la kulmay saraakiisha sirdoonka Shiinaha ee ma ahayn mid ka mid ah hoggaanka siyaasadda ama siyaasadda dibadda ee Beijing, sida uu sheegay qof labaad oo la socday booqashada oo sidoo kale ka hadlay xaalad aan la magacaabin.

CIA, oo aan si joogto ah u shaacin booqashooyinka noocaan oo kale, ayaa si toos ah waxay u diiday inay ka hadasho warbixinnada safarka Burns ee Shiinaha.

Xiriirka u dhexeeya xukuumadaha Beijing iyo Washington ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa soo food saaray culays aad u ba’an oo ku saabsan arrimaha u dhexeeya Taiwan iyo China ee diwaanka xuquuqul insaanka ilaa dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Beijing ee sii kordhaya ee badda Koonfurta Shiinaha iyo xiriirka dhow ee Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM