Almazbek Atambayev: Madaxweyne hore oo isku day dil ka badbaadey

Image

BISHKEK, Kyrgyzstan – Madaxweynihii hore ee dalka dhaca bartamaha Aasiya ee Kyrgyzstan ninka lagu magacaabo Almazbek Atambayev ayaa Jimcadii wuxuu ka badbaadey weerar hubeysan, sidda tabisay warbaahinta.

Atambayev ayaa, sidda ay wararku tilmaamayaan, fagaaraha Ala-Too ee magaaladda caasimadda ah ee Bishkek wuxuu kaga qeybgalayey isu soo bax markii qof hubeysan uu rasaaseeyay gaari uu la socday.

Laba xabado ayaa ku dhacdey baabuurka balse ma dhaacmin Atambayev. Qofkii rasaasta soo gannay wuxuu durba ka baxsaday goobta.

Kyrgyzstan waxaa gilgilay banaanbaxyo ka dhashay natiijadii doorashadda baarlamaanka ee qabsoontay 4-ta bishaan October, 2020.

Aroornimadii Jimcada, madaxweyne Sooronbay Jeenbekov wuxuu magaala madaxda Bishkek uu kusoo rogay xaalad qaran oo deg deg ah.

Sidda ay kusoo warantay saxaafadda maxaliga ah, Atambayev iyo hogaamiyeyaal kale waxaa Talaadadii xabsi kasii daayey dibad-baxayaal.

Taageereyaashiisa ayuu kula hadlay xarunta Xisbiga Dimuqraadiyadda Dadweynaha, wuxuuna ku booriyey Jeenbekov in uu is-casilo. Shacabka ayuu ka raaligeliyey khaladaadkii ka dhacay mudadii uu xafiiska joogay.

Mudaaharaadyada oo Kyrgyzstan ka bilowday Isniintii waxaa lagu jabsaday baarlamaanka iyo xarumo kale, iyaddoo ay fooda is-dareen dadka iyo booliska. Shacabka wuxuu codsanayaan in la abaabulo doorasho cusub.

Xasilooni daradan ayaa asbuucan is-casilaad ku qasabtay ra'iisul wasaare Kubatbek Boronov iyo afhayeenka baarlamaanka Dastan Jumabekov.

Boronov waxaa bedelay Sadyr Japarov kaasoo banaanbaxayaasha ay jeelka kasoo fakiyeen Talaadadii ka gedaal markii ay xireen ciidanka amniga.

Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in aysan sax ahayn max-suulka doorashadda waxyar kadi markii madaxweyne Jeenbekov uu waydiistay in ay baaraan xadgudub lasoo wariyey in ay ka dhaceen coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM