Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Image

TEHRAN — Iran ayaa sheegtay in toddoba markab oo shidaal qaada la weeraray, isla markaana ay waxyeello soo gaartay marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, taas oo noqonaysa tiradii ugu badnayd ee maraakiibta halkaas lagu waxyeelleeyo hal maalin tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay 28-kii Febraayo bilaabeen dagaalka ka dhanka ah Iran.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa bayaan ay Khamiistii soo saareen ku sheegay in afar ka mid ah maraakiibta la weeraray xilli ay shidaal ku shubayeen ama wareejinayeen, dabna uu qabsaday habeenkii.

Saddexda markab ee kale ayaa la sheegay inay hawlgab noqdeen kaddib markii ay ku dhaceen miinooyin badeed. Sheegashada Iran si madax-bannaan looma xaqiijin, mana jirin faahfaahin laga bixiyay khasaaraha nafeed ee suuragalka ah ama calamada ay siteen maraakiibtu.

IRGC ayaa sidoo kale uga digtay Mareykanka inay weerari karto saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Bariga Dhexe haddii Washington ay tallaabo u qaaddo sidii maraakiibta shidaalka looga caawin lahaa inay maraan qaybo kale oo ka mid ah marin-biyoodka.

“Milatariga Mareykanka waa inuu ogaadaa in haddii xaaladdani sii socoto, dagaalku uu ku fidi doono saldhigyadiisa ku yaalla gobolka,” ayay IRGC ku sheegtay bayaan lagu daabacay boggeeda Sepah News, iyadoo digniinta ku tilmaantay mid culus.

Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah marin ganacsi oo muhiim u ah shidaalka caalamka. Ka hor inta uusan dagaalku bilaaban, waxaa halkaas mari jiray ku dhowaad shan meelood meel shidaalka dunida laga isticmaalo.

Iran ayaa sheegata inay gacanta ku hayso marin-biyoodka, waxayna si joogto ah u weerartaa maraakiibta isku dayda inay maraan iyaga oo aan oggolaansho ka haysan Tehran.

Dhanka kale, ciidamada Mareykanka ayaa kordhiyay maraakiibta ay ku galbiyaan marinka, taas oo Iran ay kaga jawaabtay kordhinta weerarrada, sida ay sheegayaan warbixinnada.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ku eedeeyay Iran inay isku dayayso inay sare u qaaddo qiimaha shidaalka ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka.

“Iran waxay samaynaysaa wax kasta oo ay awooddo si ay sare ugu qaaddo qiimaha shidaalka ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed, isaga oo ku dooday in hadda shidaal ka badan kii ka hor dagaalka uu marayo marin-biyoodka Hormuz.

Xiisadda sii kordhaysa ee Hormuz ayaa walaac ku abuurtay suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah, maadaama marin-biyoodku yahay waddo muhiim u ah dhoofinta shidaalka Bariga Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM