Ameerikaan oo lagu waaniyay in ay 48 saac uga baxaan Ukraine

Image
Ruushka ayaa in ka badan 100,000 oo askari oo dhulka ah geeyay xudduudaha uu la wadaago Ukraine

WASHINGTON, USA – Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa ka digay in ciidamada Ruushka ay awood u leeyihiin inay duulaan ku qaadaan Ukraine maalmo gudahood, wuxuuna ugu baaqay dadka Mareykanka inay si deg deg ah uga baxaan dalka Ukraine.

Jake Sullivan, oo ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad Jimcihii in indha-indheynta iyo sirdoonka Mareykanka ay muujinayaan in Ruushka uu haysto dhammaan qalabka militariga ee looga baahan yahay duulaanka Ukraine.

Weerar degdeg ah oo lagu qaado magaalada Kyiv oo ay ku xigto duqeyn xagga hawada ah ayaa suurtagal ah waxayna imaan kartaa ka hor dhamaadka Ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee Beijing todobaadka soo socda, ayuu yiri Sullivan.

"Ma tilmaami karno maalinta xilligan, mana qeexi karno saacadda, laakiin taasi waa suurtagal aad iyo aad u kala duwan," ayuu yiri Sullivan, isaga oo ka digay in saraakiisha Mareykanka aysan weli rumaysan in Putin uu go'aansaday in uu dagaalka galo iyo in Maraykanku sii wadaa raadinta natiijada dublamaasiyadeed ee xiisadda.

"Waxaan sii wadeynaa inaan aragno calaamado muujinaya kororka ciidanka Ruushka, oo ay ku jiraan ciidamada cusub ee imaanaya xadka Ukraine," ayuu yiri Sullivan. "Sida aan horay u sheegnay, waxaan ku jirnaa diyaar garoow markii duulaanku uu bilaaban karo wakhti kasta haddii Vladimir Putin uu go'aansado inuu dalbado."

Ruushka ayaa in ka badan 100,000 oo askari oo dhulka ah geeyay xudduudaha uu la wadaago Ukraine toddobaadyadii la soo dhaafay, waxaana uu dhoolatus milateri ka sameynayaa Belarus iyo dhaqdhaqaaqyo badda ah oo ay ka wadaan badda madow. Moscow ayaa beenisay in ay damacsan tahay in ay weerarto Ukraine balse waxa ay dalbatay dammaanad amni oo cusub oo ay ku jirto in Ukraine aysan waligeed ku biiri doonin xulafada NATO.

Hadalkaan ayuu warbaahinta u sheegay Sullivan ka dib kulan socday ku dhawaad hal ​​saac iyo 20-daqiiqo oo dhexmaray Madaxweyne Biden iyo xulafada Yurub, oo ka dhacay qolka xaaladda amniga ee Aqalka Cad iyadoo ay sii kordhayaan dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo qulqulka dublamaasiyadda. Ka qeyb galayaasha baaqa waxaa ka mid ahaa madaxda Canada, France, Germany, Italy, Poland, Romania iyo UK, oo ay weheliyaan madaxda guddiga Yurub iyo NATO.

Kooxdu waxay ka wada hadleen in xal didiblomaasiyadeed loo helo xiisada "iyada oo Ruushka lagala shaqaynayo dhinacyo badan" waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen "in Ruushka la marsiiyo cawaaqib weyn iyo in lagu soo rogo xayiraad dhaqaale oo daran " haddii uu soo galo Ukraine, sida laga soo Aqalka Cad.

Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ruushka ayaa sidoo kale ku wada hadlay khadka taleefanka Jimcihii, sida ay sheegtay Pentagon-ka.

Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la hadli doona Putin maanta oo Sabtida, madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegtay. Biden ayaa sidoo kale la hadli doona Putin isla maanta, sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mareykanka ayaa 3,000 oo ciidamo u diri doona Poland maalmaha soo socda. Hawlgalka cusub ayaa lagu daray 8,500 oo askari oo uu Mareykanku horeyba heegan galiyay in loo diro dalalka NATO iyo 3,000 oo askari oo hadda loo diray Poland, Romania, iyo Germany.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM