Ameerikaankii u dambeeyay ee ku haray Afgaanistaan oo la sii daayey

Image
Taalibaan ayaa sil deysay Mark Frerichs oo 60-sano jir ah kadib heshiis maxaabiis is-dhaafsi ah.

KABUL, Afganistan - Taalibaan ayaa sii daysay Mark Frerichs oo ah Ameerikaanka kaliya ee ku haray Afgaanistaan. Sii deyntiisa ayaa lagu badashay Bashir Noorzai oo ka tirsanaa kooxda, kaas oo xabsi daa’im ku qaadanayay jeel ku yaalla Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Daalibaan, Amir Khan Muttaqi, ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Kabul is dhaafsiga maxaabiista ee dowladdiisa iyo wafdi Mareykan ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee caasimadda Afgaanistaan.

Muttaqi ayaa sheegay in uu sidoo kale kulan “wanaagsan” ah uu kula yeeshay saraakiisha Mareykanka ayna ka wada hadleen arrimo kala duwan ka hor inta aysan martida ka dhoofin Afgaanistaan. Ma uusan faahfaahin.

Frerichs, oo ah ku dhawaad ​​60 sano jir Injineer Mareykan ah iyo askari ciidamada badda ah, ayaa lagu waayay Kabul horraantii 2020 markii ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO ay la dagaallamayeen Taliban.

Noorzai, oo loo yaqaan Xaaji Bashiir, ayaa lagu xiray New York 2005-tii, ka dibna waxaa lagu soo oogay in uu ka ganacsanayay malaayiin Doollar oo Heroin-ka Mareykanka ah.

Xidhiidhka sare ee Taalibaan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka caawiyay maalgalinta iyo hubaynta muqaawamada dhaqaalaha ka soo gala ka ganacsiga heroin-ka.

Ciidamada caalamiga ah ayaa Afgaanistaan ka baxay bishii Ogosto ee sanadkii hore kadib ku dhawaad ​​labaatan sano oo dagaal ay kula jireen kooxda Taliban, taasi oo wadada u xaartey in kooxda islaamiga ah ay dib u hantaan xukunka wadankan dhaca Aasiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM