Andrzej Duda: Madaxweynaha Poland oo laga helay safmarka Coronavirus

Image

WARSAW, Poland – Madaxweynaha Poland, Andrzej Duda, ayaa laga helay safmarka Coronavirus, balse wuu "wanaagsan yahay," sidda uu shaaca ka qaadey Wasiirka Madaxtooyaddan dalkan dhaca Bartamaha Yurub.

Mr Duda, oo 48-sano jir ah, ayaa tijaabada maray Jimcadii waana laga helay, sidda uu Sabtida maanta ah ka dhawaajiyey wasiir Blazej Spychalski.

Hogaamiyeyaasha caalamka ee uu soo ritay fayruskan oo kala ah dhigiisa Mareykanka iyo Britain, Donald Trump iyo Boris John ayuu ku biirayaa, wallow uu kaga duwan yahay in qaarkood ay dhayal-sadeen khatartiisa.

Poland ayaa wajaheysa faafitaan baaxad leh oo la xiriira aafadan iyaddoo Jimcadii la diiwaan-geliyey in ka badan 13, 600 oo xaalado cusub ah.

Waddankan ayaa wuxuu gelayaa bandow "qad casaan ah" kaasoo iskuulada iyo maqaayadaha ay xirnaan doonan qayb kamid ah maalintii.

Wallow aan fahfaahin laga hayn qaabka Mr Duda uu ku qaadey, haddana waxay kusoo hagaageysaa markii uu Isniintii la kulmay dhigiisa Bulgeria, Rumen Radev, kaasoo isna galay karantiil, sidda xafiiska uu daaha ka rogay.

Guud ahaan caalamka, Covid-19 ayaa ku dhacay ku dhowaad 43 milyan oo ruux, iyadoo ay u geeriyoodeen 1.5 milyan kale, waxaana ka bogsaday ku dhowaad 19 milyan, sidda ku cad xog-uruurinta saxda ee hay'adda WHO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM