Anthony Albanese oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Guud ee Australia

Image

GAROWE ONLINE- aysal Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa markale ku guuleystay doorashada guud ee dalkaasi oo qabsoontay 3-da May 2025. Guushan ayaa ka dhigtay Albanese hoggaamiyihii ugu horreeyay ee laba jeer oo xiriir ah loo doorto muddo 21 sano ah, taasoo calaamad u ah taageerada sii kordheysa ee xisbigiisa Labor Party.

Doorashadan ayaa timid xilli xisbiga Talada haya uu sanadkan ku bilaabay ololaha doorashada iyadoo ra’yiga shacabka uu hoos u dhacay. Si kastaba ha ahaatee, taageero xooggan oo ka timid codbixiyeyaasha ayaa beddelay saadaashii hore, waxaana lagu sababeeyay sida dadweynuhu uga falceliyeen saameynta taban ee siyaasadda Donald Trump ee Mareykanka ku yeelatay suuqyada caalamiga ah iyo xiriirka wadamada reer galbeedka.

Guusha Albanese ayaa sidoo kale lala barbardhigay tan uu dhowaan gaaray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Canada, Mark Carney, oo isna ku guuleystay doorasho adag oo uu kaga adkaaday musharrax mucaarad ah oo lagu tilmaamay mid qaab ahaan ula mid ah siyaasadda Trump. Labada doorasho waxay tilmaamayaan mowjado siyaasadeed oo ka socda wadamada reer galbeedka, iyadoo hoggaamiyeyaasha garabka bidix ay kasbadeen kalsoonida shacabka.

Anthony Albanese ayaa la filayaa inuu sii wado siyaasadiisa ku saleysan horumarinta dhaqaalaha gudaha, ilaalinta xiriirka caalamiga ah, iyo la tacaalidda isbedelka cimilada — arrimo uu si gaar ah u adkeeyay intii uu xafiiska joogay tan iyo 2022. Natiijada doorashadan ayaa sidoo kale muujisay in mucaaradka, oo uu horkacayay Peter Dutton, uu lumiyay fursaddii uu ku heli lahaa aqlabiyad cusub, isagoo laga adkaaday xitaa kursigiisii baarlamaanka.

Dhanka Canada, Mark Carney ayaa ku guuleystay doorashada guud ee 28-kii April, wuxuuna hogaaminayaa xukuumad aan aqlabiyad buuxda haysan, taasoo qasbeysa inuu heshiis la galo xisbiyada kale si loo dhiso dowlad xasiloon. Carney ayaa sheegay in dowladda cusub ay ka shaqeyn doonto sugidda dhaqaalaha iyo difaaca danaha Canada iyadoo la tixgelinayo xaaladaha isbeddelaya ee caalamka.

Guulaha Albanese iyo Carney ayaa lagu arkay mowjad cusub oo ka dhan ah siyaasadda sii kordheysa ee xagjirka ah, taasoo tilmaamaysa in codbixiyeyaasha reer galbeedka ay doonayaan hoggaan deggan oo xiriir wanaagsan la leh beesha caalamka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xuutiyiinta oo Gantaallo ku Weeraray Saldhigyo Militeriga oo ku yaalla Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale cunaqabateyn ku haysa marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.

  • Caalamka

    03-05-2025

  • 09:41AM

Madaxweyne Trump oo La Filayo Inuu Xilka Ka Qaado Lataliyihiisa Amniga Qaranka Michael Waltz

Michael Waltz, oo horey xildhibaan uga soo noqday gobolka Florida, ayaa…

  • Caalamka

    01-05-2025

  • 03:30PM