Aqalka Cad oo isku diyaarinaya martigelinta xaflad aroos
WASHINGTON, USA - Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Joe Biden, iyo Marwada Koowaad dalkaas Jill Biden ayaa doonaya in ay Aqalka Cad xaflad aroos ugu qabtaan gabadha ay awowga iyo ayeeyda u kala yihiin yihiin ee lagu magacaabo Naomi.
Naomi oo 28 jir ah iyo gacaliyaheeda, Peter Nea, oo 24 jir ah, ayaa guurkooda waxa uu ka dhici doonaa goobta ugu ilaalada badan dalka Mareykanka. Naomi ayaa noqon doonta aroosaddii shannaad ee xaflada guurkeeda uu ka qabsoomo Aqalka Cad ee Mareykanka.
Aqalka madxatinnimada ayaa waxaa keliya hore uga dhacay afar xaflad aroos. Naomi, oo cilmiga sharciga ka baratay Jaamacadda Columbia ahna gabadha Hunter Biden iyo Kathleen Ball, ayaa bishii September ee sanadkii hore ku dhawaaqday inay isu doonan yihiin Neil, oo sharciga ka barta Jaamacadda University of Pennsylvania.
Xafladdii aroos ee ugu dambeysay ee loogu qabto Aqalka Cad qoyska madaxweynaha talada haya ayaa ahayd sanadkii 2008, markaas oo Jenna Bush Hager, gabadha madaxweynihii hore George W. Bush, ay guurkeeda u dabaal degtay, bil kaddib markii arooskeedu uu ka dhacay Texas.
Naomi ayaa sheegtay in ay uga mahadcelineyso sharafta ay awowgeed iyo ayeeyadeed u hayaan. Xaqiiqdii, wax caadi ah ayay Aqalka Cad ka ahayd inuu martigeliyo xafladaha arooska, oo inta ka dhacday ay 18 gaarayaan guud ahaan, balse isu imaatinnada noocan ah ayaa ahaa kuwo aan inta badan dhicin.
Laga soo bilaabo sanadkii 1812 markaas oo Aqalka Cad uu ka qabsoomay arooska marwada koowaad walaasheed, Dolly Madison iyo Seygeeda Thomas Todd waxaa inta badan xaflada ka soo qayb gali jiray qoyska madaxweynaha iyo xaaskiisa.
Arooskii Nellie Grant, gabadha Madaxweyne Ulysses Grant, ee dhacay bishii May 1874, wuxuu ahaa xafladdii ugu weyneyd ee xilligaas lagu qabto Aqalka Cad.
Maalintaas, 250 marti ayaa isugu timid Qolka Bari, oo lagu xardhay ubax caddaan ah iyo dhar cad oo xariir ah. Si kastaba, sida aroosyada kaleba, wuxuu ahaa mid dhib badan laga maray. Madaxweyne Grant iyo xaaskiisa ayaa sheegay inay ka walwalsanaayeen guurka gabadhooda 19 jirka ahayd iyo diblomaasi Algernon Sartoris.
Aroosyadii dhowaan ka dhacay Aqalka Cad ayaa waxaa ka mid ahaa kii Linda Bird Johnson, gabadha Madaxweyne Lyndon Johnson, oo guursatay Charles Spital Robb, xaflad lagu qabtay Qolka Bari 1967.
Sanadkii 1971, Tricia Nixon, gabadha Madaxweyne Richard Nixon iyo Pat Nixon, ayaa waxay xafladdii arooskeedu ahayd tii ugu horreysay ee lagu qabtay Beerta Rose ee Aqalka Cad.
Xafladdii aroos ee ugu dambeysay ee ka dhacda Aqalka Cad ayaa ahayd tii Pete Souza iyo gacalisadiisi Patty oo ahaa sawirqaadihii Aqalka dalka looga arimiyo dalka. Xafladan ayaa ka dhacday beerta Rose sanadkii 2013 waxaana madaxweyne ahaa Barack Obama.
GAROWE ONLINE