Aqalka Cad oo ka carooday cajalad loo dusiyey saxaafadda

Image
Muuqaalkan aadka loo hadal-hayo ayaa waxa uu quseeyaa weerarkii baarlamaanka lagu qaaday 6-dii Janaayo.

NEW YORK, USA - Afhayeenka Aqalka Cad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay barnaamij ka baxay taleefishinka Fox News, kaas oo uu daadihinayo weriyaha lagu magacaabo Turker Carlson, quseeyana weerarkii baarlamaanka lagu qaaday 6-dii Janaayo.

Weriyaha ayaa heley cajalad ay ku duuban yihiin wixii dhacay maalinkii dadka tirada badan ay galeen fadhiga labada aqal ee Maraykanka 2021-dii, wuxuuna cajalkan ku duuban muuqaal gaaraya 41 kun oo saacadood oo wixii dhacay ah.

Cajalka ayaa waxaa weriyaha siiyay guddoomiyaha Aqalka Coongareeska Kevin McCarthy, wuxuuna sheegay in uu u sameeyay si loo helo hufnaan iyo runta.

Balse afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre oo wariyeyaasha la hadlay ayaa waxa uu ku tilmaamay marin habaabin iyo wax aanan runta ka turjumaynin.

Weriyaha oo muuqaalka kasoo goostay qeybo uu soo xushay ayaa sheegay in dadkii weeraray Capitol Hill ay ahaayeen dad uun doonayay in ay soo arkaan gudaha Aqalka, oo aysan doonayn in ay afgambiyaan dowladda.

Saxafiga oo sii hadlaya ayaa tibaaxaya in sidoo kale ay dadkaas doonayeen madaxweyne Biden ka hor istaagaan in xilka loo dhaariyo kadib markii madaxweynihii hore Donald Trump uu muran ka keenay natiijadii doorashada.

Mas’uulka ugu sareeya xisbiga taladda haya ee Dimoqoraadiga Chuck Shchumer ayaa guddoomiyaha aqalka ku eedeeyay in uu cajalka si qaldan u faafiyay.

Shan qof oo qaar ay booliis yihiin ayaa ku geeriyootey shaqaaqadii dhacday sanadkii 2021-kii, waxaana ku dhaawacmay 140 askarta booliiska ah. Xisbiga Jamhuuriga ayaa isna sidoo kale dhaleeceeyay barnaamijkan oo qeybtiisii koowaad la baahiyay maalintii isniintii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM