Aqalka Hoose ee Mareykanka oo u coddeeyey in Trump xilka laga qaado

Image

WASHINGTON, US – Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka ayaa u coddeeyey in xilka laga qaado madaxweyne Donlad Trump.

Trump ayaa lagu eedeeyey labo qodob oo kala ah; inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo iyo inuu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday.

Qodobka koowaad ayaa waxaa taageertay 230 mudane, halka 197 Xildhibaan u coddeeyeen "Maya" oo ah diidmo.

Qodobka labaad ayaa waxaa ogolaatay 229 sharci-dejiyeyaal, halka 198 mudane ay gebi ahaanba kasoo horjeesteen.

Aqalka Hoose ee Mareykanka ayaa waxaa taageero badan ku leh xisbiga dimuqraadiga oo gedaal ka riixayey mooshinka.

Dhinaca kale, Soomaalida ku nool waddanka Mareykanka oo ka falceliyey coddeynta ayaa muujiyey kala qeyb-sanaan weyn.

Idaacadda VOA ayaa soo uruurisay codadka Soomaalida. Qaarkood way taageereen xilka ka qaadista Trump, wallow ay diideen kuwa kale.

Maamulka Trump ayaa Soomaaliya ku daray liiska wadamada ay muwaadiniintooda mamnuuca ka tahay in ay galaan Mareykanka, isagoo cuskaday "Amniga Qaranka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM