Arday Soomaaliyeed oo ku dhimatay shil ka dhacay Pakistan

Image
Seddex qof ee shilka ku dhaawacmay waxa ay ahaayeen muwaadiniin Kenyaan ah.

ISLAMABAD, Pakistan – Gabar Soomaaliyeed oo wax ka baranaysay jaamacadda Karachi ee dalka Pakistan ayaa geeriyootay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen oo si xowli ah ku socday uu gaari kale kula dhacay meel u dhow magaaladda Do Darya, subaxnimadii Axadda, sida ay booliisku sheegeen.

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in afar arday oo ajaaniib ah ay ku safrayeen gaari Passo ah oo marayay wadada Abdul Sattar Edhi abbaare 1:45am balse Gaarigoodu waxa ku dhacay gaari Revo sida cad warbixinta booliska.

Saddexda qof ee kale waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah, waxaana loo qaaday xarunta caafimaadka ee Jinnah Postgraduate Medical Center, halkaasoo ay dhakhaatiirtu ku sheegeen inla tacaalayo xaaladooda caafimaad.

Boolisku sooma bandhigin magaca gabadha, balse waxa ay sheegeen in ay ahayd muwaadin Soomaaliyeed.

Seddex qof ee shilka ku dhaawacmay waxa ay ahaayeen muwaadiniin Kenyaan ah.

Booliska ayaa sheegay in dhamaan afartaasi qof ay ahaayeen arday wax ka barata jaamacadda Karachi.

Booliiska ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaano la xiriira dhacdadaan ay ku dhimatay ardayada Soomaaliyeed. Arday badan oo Soomaali ah oo barta kuliyado kala duwan ayaa ku sugan dalka Pakistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM