Argagixisada Dunida oo Gaartay Heerkii u Sareeyey

Image

Argagixisada dunida ayaa sanadkii tagay gaartay heerkii ugu sarreeyey, islamarkaana rabshadaha ayaa dhaqaalaha dunida u geystay khasaare dhan 14.3 trillion oo dollar, ayada Mareykanka kaliya gaarsiisay 2.5 trillion oo khasaare ah.

Warbixin ay soo saartay hay’adda nabadda adduunkda ee Global Peace Index oo ku saabsan dagaallada, nabadda iyo ammaanka ayaa tilmaantay in nabadda dunida ay sii xumaaneysay tobankii sano ee tagay, taasi oo ay ugu wacan tahay dagaallada iyo argagixisada Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Africa. 

Daraasadda ayaa sheegtay inay hoos u dhacan uu saameeyey horumar wanaagsan oo dunida ay ka sameeneysay xagga nabadda tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee adduunka. 

Sida ay sheegtay warbixintan, ficillada argagxisada ee sanadkiiba ayaa saddex jibaarmay tan iyo sanaddii 2011. Dhimashooyinka ka dhashay weerarada argagixiso ayaa sidoo kale sare u kacay 900% tan iyo sanaddii 2007. 

Warbixinta ayaa sheegtay in dalka Syria uu sanadkii tagay noqday kan ugu nabdda xun dunida, islamarkaana shanta dal ee ugu ficillada argagixisada badan ayaa kala noqday dalalka Iraq, Nigeria, Afghanistan, Pakistan iyo Syria.

VOA

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM