Armenia iyo Azerbaijan oo laga cabsi qabo in mar kale fooda is-daraan

Image
Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Arrimaha Dibadda Azerbaijan ayaa Armenia ku eedeeyay "daan-daansi cusub".

ISTANBUL, Turkey - Saddex askari oo Asarbayjaan ah ayaa lagu dilay Talaadadii intii uu socday weerar ay ciidamada Armenia ku qaadeen degmada Lachin ee gobolka Bariga Zangezur.

“Abriil 11, saacadu markay ahayd 4:20 p.m iyadoo la adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa weerar gardaro ah lagu soo qaadey fariisinka ciidamadda difaaca Asarbayjaan ee degmada Lachin ee gobolka Bariga Zangezur,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda difaaca ee Asarbayjaan.

Bayaanka oo shacabka ku booriyey feejignaan dheeraad ah ayaa duulaankaas waxa uu ku eedeeyay ciidamadda Armenia wallow dhankooda aysan illaa hataan wax jawaab ah ka bixin.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Asarbayjaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in "daandaansiga noocan oo kale ah, oo kasoo horjeeda baaqyada beesha caalamka ee heshiis nabadeed, ay muujinayaan in Armenia aysan dooneyn geeddi-socodka nabadda".

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay ku nuuux-nuux-satay in ficillada ciidamadda Armenia "ay tahay in ay Beesha Caalamka si dhameystiran uga soo horjeestaan".

Xiriirka u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan ayaa ahaa mid kacsan laga soo bilaabo 1991-kii, markaas oo ciidamada Armenia ay qabsadeen gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan Asarbayjaan.

Deyrtii 2020, Asarbayjaan waxay ka xoraysay magaalooyin dhowr ah, tuulooyin iyo degaano ay ka haysatay Armenia. Heshiis uu Ruushka garwadeen ka ahaa ayaa sababay in xabadda istaagto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM