Askari reer Canada ah kana howlgalay Soomaaliya oo la maxkamadeeyay
TORONTO, Canada – Maxkamad ku taala gobolka British Columbia ee waddanka Canada ayaa go'aan kama dambeys ah waxay kasoo saartey kiiska askari u dhashay dalkaas kaasoo kasoo howlgalay wadamo ay ku jirto Soomaaliya.
Askariga oo 60-jirkan ayaa December, 2017-kii waxaa loo xiray "in uu wax ka dayay" wiil ay dhashay haweenay 33-jir ah oo ay saaxiibo ahaayeen.
Haweenyda ayuu waydiiyey in ay u soo dirto sawirada wiilkeeda oo aan dhar wadan. Aabaha dhalay oo ay kala tageen ayaa booliska la wadaagay waxaana kol hore lagu xukumay askriga laba sano oo xabsi ku hayn ahaa.
Sidoo kale, waxaa xukunkii hore u wehliyey in muddo 20-sano ah loo diiwaan-geli doono in uu yahay dambiile ku kacay xadgudub jinsiyadeed.
Balse garsooraha kiiskan, Mayland McKimm, ayaa wuxuu laalay xukunkaas horey u dhacay, isagoo sheegay in askariga uu falkaas ku kacayey xilli maskaxdiisa ay waxyeelo kasoo gaartey dagaalo uu wadankii ku metalaayey.
Wadamada colaaduhu ka socdaan qaarkood wali eeloo daabulay ayaa waxay kala yihiin; Bosnia, Afghanistan, Somalia iyo buuraha Golan Heights.
"Eedeysanaha waxaa u diiwaan-gishan in ay maskaxda waxyeelo kasoo gaartey isagoo u adeegaya dalkiisa. Kuwa la xaqiijiyey in ay dhibaatadaas la kulmeen waxaa caado ah in ay hab dhaqan waxyeeleyn iyo dhibaateyn sameeyaan sababtaas awadeed," ayuu ku saleeyay xukunkiisa dambe.
Haweenayda ayuu ku eedeeyay in ay ilaalin weyday aqoonsiga wiilkeeda. Kiiskeeda waxaa lagu sameeyay dib u dhac, mana la xukumin.
Askariga oo magaciisa loo qariyey sababo aan daaha laga rogin loona maleynayo ilaalinta sumcadiisa ayaa waxaa uu ahaa sarkaal gooya waraaqadaha dacwad lagu soo maxkamad-joojinayo ee loo yaqaano walwa ama waaran.
GAROWE ONLINE