Australia oo ka laabatay aqoonsiga Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil

Image
Golaha Wasiirada ee Xisbiga Shaqaalaha ee Bidixda-Dhexe ayaa si wadajir ah u meelmariyey go'aankan.

CANBERRA, Australia - Australia ayaa ka laabatay go'aanka ay dawladii hore ee waddanka ay ugu aqoonsatay Galbeedka Quddus inay tahay caasimadda Israa'iil, sidda uu maanta sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee waddankaas.

"Golaha Wasiirada ee Xisbiga Shaqaalaha ee Bidixda-Dhexe ayaa isku raacay in ay mar kale u aqoonsadaan Tel Aviv inay tahay caasimadda Israa'iil, waxayna dib u xaqiijiyeen in maqaamka Qudus ay tahay in lagu xalliyo wada xaajood nabadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Penny Wong.

Wuxuu raaciyey: "Australia waxa ay wali ka go'an tahay in xal laba dhinac ah loo helo iskahorimaadka u dhexeeya Israa'iil iyo Falastiin, ma taageeri doono hab wax u dhimaya rajadan".

Ra'iisul Wasaarihii Hore ee muxaafidka Scott Morrison ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday Galbeedka Jerusalem inay tahay caasimada Israel bishii Diseembar 2018, in kasta oo safaarada Australia ay wali dagan tahay Tel Aviv.

Wong ayaa ku tilmaamay tillaabada Morrison mid ka baxsan xeerarka caalamka iyo isku day "naqdin" ah oo lagu doonayo in lagu guuleysto doorashada ku-meel-gaarka ah ee degaanka Sydney oo ay ku nool yihiin dad badan oo Yuhuud ah.

Isbeddelkaas wuxuu dabasocdey go'aanka maamulka madawaynihii hor eee Mareykanka Donald Trump uu safaaradda Mareykanka uga raray Tel Aviv una wareejiyay Jerusalem.

Madaxweyne Joe Biden ayaa safaaradda ku haystey magaalada Quddus iyadoo Maraykanku uu dib uga laabtay dhexdhexaadintii xoogganayd ee uu mar hore ka dhex waday Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta oo aan kulmin wax ka badan toban sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM