Axdiga ku qasbay Turkiga in uu dhinac raaco dagaalka Ukraine

Image
Ankara ayaa qaadatay wax ay khuburadda ku qeexeen "talaabo wiiqaysa duulaanka Moscow ee Kyiv".

ANKARA, Turkey - Turkiga ayaa duulaanka Ruushka ee Ukraine si rasmi ah ugu tilmaamay dagaal, wuxuuna sheegay inuu xaddidi doono maraakiibta dagaalka qaarkood inay maraan marin biyoodyada muhiimka ah, tallaabadaas oo ay khubaradu sheegeen inay caqabad ku noqon karto qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqyada militari ee Moscow ee gobolka.

Ciidamada Ruushka ayaa weerar dhanka dhulka, badda iyo cirka ah ku qaaday dalka Ukraine, waana weerarkii ugu weynaa ee dowlad ka mid ah dalalka Yurub ay ku qaado tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay u adeegsan doonto awoodda uu dalkiisu u siiyay Axdiga Montreux ee ku saabsan gaadiidka maraakiibta ee cidhiidhiga ku jira si looga hortago in dhibaatadu ay sii korodho.

Iyadda oo Erdogan uu sheegay inuu u arko "Weerarka Ruushka ee Ukraine mid aan la aqbali karin," ayuu sidoo kale xusay in Turkigu uusan ka tagi doonin xiriirka uu la leeyahay Ruushka ama Ukraine.

Turkiga ayaa xuduud badeed la leh labada dal ee Ukraine iyo Ruushka oo ku yaalla badda madow wuxuuna labada dal u arkaa saaxiibo muhiim u ah danahiisa masraxyadda caalamiga ah.

Ankara waxay ku tiirsan tahay dalxiiska iyo gaasta dabiiciga ah ee Ruushka. Sidoo kale waxay xiriir dhow oo dhaqaale iyo difaac la leedahay Ukraine, inkastoo Ruushku diidan yahay, waxay ka iibiyeen waddanka.

Muxuu yahay Axdiga Montreux?

Axdigu waxa uu Turkiga si gaar ah u xakameynayaa marinka maraakiibta dagaalka ee Dardanelles iyo Bosphorus Straits ee isku xira Aegean, Marmara, iyo Badda Madow.

Waqtiga nabadda, maraakiibta dagaalku waxay kaga gudbi karaan cidhiidhiga ogaysiis hore oo dublamaasiyadeed iyada oo la xaddidayo miisaanka maraakiibta iyo hubka ay wataan - waxayna ku xiran tahay in markabka uu leeyahay waddan ku yaal Badda Madow iyo in kale. Waqtiyada dagaalkana, Turkigu wuxuu ka celin karaa marinka maraakibta dagaalka ee dhinacyada dagaallamaya.

Sida uu qabo heshiisku, haddii Turkigu uu qayb ka yahay dagaalka ama uu isu arko in ay khatar ku soo fool leedahay, waxa uu xidhi karaa cidhiidhiga marinka maraakiibta dagaalka.

Waqtiyadda nabadda, saddexdan dowladood ayaa si isku mid ah xuquuq ugu leh maamulka marin biyoodkan hase ahaatee xilliyadda dagaalka waxay ku qasban yihiin in Ankara ay gaarto go'aanadda.

Midowgii Soofiyeeti, oo ahaa dawladdii ka horreysay nidaamka haatan ka jira Ruushka, ayaa ka mid ahayd saxiixayaashii asalka ahaa ee Axdiga Montreux. Turkiga ayaa sheegay in taariikh ahaan ay xushmeeyeen Axdigan ayna sii wadi doonaan. Moscow kuma farxi doonto talaabadan. Balse way ku qasban tahay in aysan hareer-marin is-fahamkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles