Azerbaijan iyo Armenia oo isku eedeeyay jebinta xabad-joojinta

Image
Image
Image
Image
Image

WASHINGTON, US – Azerbaijan iyo Armenia ayaa midba kan kale wuxuu ku eedeeyay in uu si bareer ah ugu xadgudubay heshiiska xabad-joojinta gobolka aadka loogu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Tani ayaa la sheegay in ay su'aal gelineyso qaabka heshiiska ay Raashiya soo agaasintay uu ku noqon karo mid dhaqan-galaya.

Xabad-joojinta oo kasoo baxay wadahadal 10 saac socdey oo Moscow ku dhexmaray labada dhinac waxaa hadafkiisu ahaa in ay is-weedaarsadaan maxaabiista iyo gurmad loo fidiyo dadka rayidka ah.

Balse tobban daqiiqo kadib markii heshiiska uu fulayey duhurnimadii Sabtida maanta ah, labada dhinac waxay isku eedeeyeen jabinta.

Wasaarada Difaaca Armenia ayaa ku eedeysay Azerbaijan in ay duqeysay dhisme ku yaala wadankaas, halka maleeyshiyaadka qowmiyada Armenian ee ku sugan Nagorno-Karabakh ay wariyeen in ciidamada Azeri ay kusoo qaadeen shan jeer oo weerar cusub ah shan daqiiqo kadib markii heshiiska la saxiixay.

Azerbaijan ayaa xustay "in ciidamada cadowga ee ku sugan gobolka lagu muransan yahay ay duqeeyeen dhulka dadyowga Azeri". Labada dhinac waxay si joogta ah u beeniyaan guulaha milatariga.

Sidda ku dhigan shucuuda caalamka, Nagorno-Karabakh waa loo aqoonsan yahay qayb kamid ah Azerbaijan. Balse waxaa ku nool dadyow kasoo jeeda Armenian kuwaasoo diidey xukunka Azerbaijan, waxaana ay isku maamulaan si madax-banaan tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii Midowgii Soofiyeeti.

Burburka muuqda in uu ku yimid heshiiska ay garwadeenka ka ahayd Raashiya ayaa fashil kale oo ku yimid dedaalada caalamiga ah ee daaran qaboojinta dagaalkan waxyeelada ugu badan uu kasoo gaarayo shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxda Jaamacadda Carabta oo isku raacey inay diidaan qorshaha Trump ee Gaza

Ururka Xamaas oo Maraykanku u aqoonsaday argagixiso ayaa soo dhaweeyay hindisahan balse Israel ayaa dhaleeceysay.

  • Caalamka

    05-03-2025

  • 12:20PM

Trump: 43 Maalin baa ku qabtay waxay Xukuumadihii hore 4 ama 8 sano ku qaban jireen

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay xubnaha xisbiga Dimoqraadiga, "Aan wada shaqeyno, oo aan dhab ahaantii mar kale ka dhigno America mid weyn."

  • Caalamka

    05-03-2025

  • 07:03AM