Azerbaijan oo magaalo istaraatiiji ah "ka qabsatay" ciidanka Armenia

Image

BAKU, Azerbaijan – Azerbaijan ayaa Axadda maanta ah waxay si rasmi ah shaaca kaga dhigtay in ciidamadda Armenia ay ka saartey magaaladda labaad ee ugu weyn gobolka colaadda la degtay ee gobolka Nagorno-Karabakh.

Ilham Aliyev, oo ah madaxweynaha waddanka Azerbaijan oo isagoo ku labisan dareeska ciidamadda difaaca dalkiisa ku dhawaaqay "xorreynta" magaaladda Shusha, ayaa ugu hambaleeyay shacabka Qarankiisa.

"Muddo 28-sano ah kadib, Aadaanka salaada waxaa dib looga maqli doonaa Shusha," ayuu Aliyev ku yiri muuqaal laga soo duubay kaasoo laga sii daayey telefishinka rasmiga ah ee ku hadla afka dowladda.

Aliyev oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux saday in 8-da November, 2020 ay noqon doonto maalin ku weyn dadka iyo dalka Azerbaijan.

Mas'uuliyiinta Armenian ayaa si deg-deg ah waxay gaashaanka ugu dhufteen guusha ay sheegatay Azerbaijan, wallow aysan caddeymo soo bandhigin.

Shusha oo ciidamadda Armenia ay qabsadeen 8-dii May, 1992-dii ayaa ahmiyad dhaqan iyo mid istaraatiijiyadeed waxay u leedahay labada dal, waxayna 15 KM u jirtaa Stepanakert, oo ah caasimadda gobolka lagu muransan yahay.

In ka badan kun isugu jira shacab iyo askar – labada dhinac ah – ayaa ku naf-waayey dagaal dib uga qarxay Nagorno-Karabakh bishii September.

Beesha Caalamka ayaa gobolka Nagorno-Karabakh u aqoonsan dhul kamid ah waddanka Azerbaijan; hasayeeshee, Armenia oo iska indhatirtay xaqiiqadaas waxay taageertaa maleyshiyo hubeysan si uusan gacanteeda uga bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM