​Baarayaasha oo Ku Jah-wareersan Weerarki Las Vegas

Image

WASHINGTON. D.C — Taliyaha ciidanka booliska ee magaalada Las Vegas Joseph Lombardo ayaa sheegay in ay rumeysanyihiin in baarayaasha ay heli doonaan sababaha keenay toogashi ugu xumeyd ka dhacda Mareykanka taariikhdan casriga ah.

Danbi-baarayaasha ayaa ku jahwareeray sababta Stephen Paddock oo ahaa 64 jir dhaqaala ahaan ladnaa isla markaana aysan diiwaanka booliska ugu jirin wax danbi ah uu si bareer ah u xasuuqo dad fara badan oo ka qeybgalayay bandhig faneed habeenkii Axada lagu qabtay magaalada Las Vegas ee dalkan Mareykanka.

Ninkani ayaa dilay 59 ruux oo uu isagu ku jiray, halka uu dhaawacay 527 ruux oo kale.

Taliye Lombardo oo Talaadadi shalay wariyaasha kula hadlay magaalada Las Vegas ayaa sheegay in Mr. Paddock uu si qorsheysan u geystay xasuuqa. Wuxuu intaasi ku daray inuu ninkani si wanaagsan u hubiyay wax walbaa oo uu sameeyay.

Ciidamada booliska ee baaritaanka wada ayaa ilaa iyo iminka soo helay 47 qori oo laga kala keenay saddex meel oo kala duwan, gaar ahaan qolki uu ninka dadka laayay ka daganaa hotelka, iyo laba guri oo uu daganaa oo ku kala yaala magaalooyinka Mesquite iyo Verdi eee gobolka Nevada.

Source: GO + VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM