Baarlamaanka Malaysia oo baabi'iyay ciqaabta dilka toogashada ah

Image
Malaysiya ayaa hakisay xukunada dilka toogashadda ah sanadka markii uu ahaa 2018.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Dewan Rakyat ama Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Malaysia ayaa Isniinta maanta ah ansixiyay in meesha laga saaro xukunka dilka toogashadda si gaar ah dambiyo la cayimay.

Dewan Negara ama Aqalka Sare ayaa loo gudbin doonaa sharciga, haddii uu ku gudbo, waxaa la wareegi doona boqorka si uu u saxiixo sharci. Waxaa si weyn loo saadaalinayaa in aqalka sare uu meel mariyo.

Sharcigan ayaa, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan, waxaa lagu dabaqi doonaa 34 dembi oo hadda lagu muteysto dil waxaa kamid ah khaarijinta iyo ka ganacsiga daroogada.

Malaysiya ayaa hakisay xukunada dilka toogashadda ah sanadka markii uu ahaa 2018, laakiin maxkamaduhu waxay sii wadeen inay ku ridaan maxaabiista loo haysto dambiyada kor ku xusan.

Sida ku cad sharciga wax ka badalka lagu sameeyay, beddelka ciqaabta dilka toogashadda waxaa ka mid ah karbaash iyo xarig 30 ilaa 40 sano ah oo shuruudo gaar ah lagu xiray.

Wasiir ku xigeenka sharciga Ramkarpal Singh ayaa sheegay in ciqaabta dilka toogashadda ay tahay ciqaab aan ka noqosho lahayn iyo mid aan ka hortag wax ku ool ah u noqon karin dambiyada.

Sharcigan ayaa ka soo baxay Malaysia iyadoo qaar ka mid ah dalalka deriska la ah ee ku yaalla Koonfur Bari ee qaaradda Aasiya ay sare u qaadeen adeegsiga ciqaabta dilka ah.

Sannadkii hore, Singapore waxa ay daldalaad ku fulisay 11 qof oo lagu eedeeyay dambiyo daroogo, halka dowladda Myanmar ay fulisay afar qof oo u ololeeya dimuqraadiyadda ku fulisay xukun dil toogasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM