Badmaaxe Mareykan ah la dilay 80-sano kahor oo la aasay

Image
Herbert Jacobson ayaa 21-sano jir markii uu kamid noqdey ciidamo lagu khaarijiyey weerar kadis ah.

WASHINGTON, United States - Qoyska badmaaxe Mareykan ah oo lagu dilay Pearl Harbor ayaa ugu dambeyntii u suurtagashay in ay arkaan isaga oo la aasay, 80 sano kadib weerarkii gaadmada ahaa ee Dagaalkii Labaad Adduunka.

Herbert Jacobson ayaa lagu aasay qabuuraha qaranka ee Arlington ka dib markii tijaabada casriga ah ee dambi baadhista ay sababtey in hadhaagiisa la aqoonsado.

"Ogaanshiyaha waxa ku dhacay badmaaxiga waxay qoyska siineysaa fursad ay kusoo xiraan kiiskan," ayuu wiil uu adeer u yahay u sheegay wakaalada wararka ee AP.

Waxa uu ka mid ahaa kumannaanka lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka ay ciidamada Japan ku qaadeen saldhigga ciidamada badda ee Hawaii 7-dii Diseembar 1941kii waxaana ka dhashay in Ameerika ay duusho.

"Bert" Jacobson, oo 21 jir ahaa xilligaas, ayaa ka mid ahaa 400 oo badmaaxayaal ah oo naftooda ku waayay doonida USS Oklahoma - mid ka mid ah afar markab oo dagaal oo ku dagay weearka Japan. Laba sano ayay ahayd ka hor inta aan meydkooda la helin, laakiin qaar badan ayaa la aqoonsan waayay.

Isku dayo soo noqnoqda ayaa la sameeyay in magac loo saaro dhammaan dhibanayaasha, laakiin ma ahayn ilaa la geeyay baadhistii ugu dambaysay ee DNA in hadhaaga Jacobson la aqoonsaday 2019.

Waxaa lagu aasay qabuuraha qaran ee Arlington ee Virginia waliba kasoo horjeeda Washington DC, Talaadadii. Munaasabadda duugta waxaa baajiyey dilaaca safmareenka Coronavirus balse waxay fursad u noqotey ehelkiisa oo horey u arkin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM