Lacag Afgaanistaan uga xayirneyd Mareykanka oo la fasaxay

Image
Lacagtan oo laga ilaalinayo gacanta Taliban ayaa loogu talagalay dadka shacabka ah.

WASHINGTON, USA - Madaxweyne Joe Biden ayaa saxiixay amar fasaxaya $7 bilyan oo kamid ah lacagaha la xayiray ee Afgaanistaan ​​ee lagu hayo Mareykanka, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

Lacagahan ayaa laga yaabaa in kala bar loo qoondeeyo gargaarka bini'aadantinimo ee dalka iyadoo qeybta kalena ay suurtagal tahay in loo qeybiyo dhibbanayaashii weeraradii daaraha mataanaha Sebtembar 11.

Amarkan qalinka lagu duugay Jimcada maanta ah ayaa sheegaya in maamulka Biden "uu raadin doono inuu fududeeyo helitaanka $3.5 bilyan oo kamid ah hantida Afgaanistaan ​​​​hadda ay haysato kaydka federaalka ee New York si ay uga faa'iideystaan dadka Afgaanistaan".

Aqalka Cad ayaa ayiday sheegashada qoysaska dhibanayaasha 9/11 oo ah in ay xaq u leeyihiin lacagta kadib go'aamo hore oo ka dhan ah Taliban iyo kooxaha kale ee lagu xusay dacwado hore.

Amarka fulinta ee Biden ayaa tibaaxay in go'aanka maxkamadda uusan ka baajin doonin dhibaneyaasha in ay helaan aduun lacageed dhan $ 3.5 bilyan. Tirada kale ee hartey oo 3.5 bilyan waxaa lala sugi doonaa go'aanka maxkamadda kaasoo kala saari doona qaar kamid ah dhibaneyaasha oo Mareykanka u haysto "dacwaddo argagixiso".

War qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad isla Jimcadda maanta ah ayaa waxaa lagu caddeeyay in lacagtaas ay noqon doonto mid si weyn looga ilaaliyo gacanta Taliban iyo wax loogu yeeray "kuwa xaasidiinta ah".

La wareegitaanka Taliban ee Afgaanistaan ​​​​Ogosto 2021 ayaa ku kaliftay dowladaha iyo hay'adaha caalamiga ah inay si degdeg ah u xayiraan hantida Bankiga Dhexe ee Afgaanistaan ​​ee dibedda, oo dhan $ 10 bilyan.

Ilaa $7 bilyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa taala Maraykanka. Taliban ayaa marar badan ugu baaqday Mareykanka iyo dowladaha kale iyo hay'adaha inay sii daayaan lacagaha, iyagoo sheegay in looga baahan yahay inay dejiyaan dhaqaalaha Afgaanistaan ​​burburay iyo ka hortagga dhibaatooyinka bini'aadanimo.

Maraykanku uma aqoonsana Taliban inay tahay dawladda sharciga ah ee Afgaanistaan, wuxuuna kooxda u aqoonsaday "urur argagixiso". Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Mareykanka in uu ku sii daayo lacagahan iyada oo loo marayo habab bini'aadantinimo oo inta badan hareer mara Taliban.

Go'aanka Biden ayaa yimid iyadoo Mareykanka uu wajahayo mar-xaladii ugu dambeysay ee dhanka sharciga ah si uu u caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan dacwadda ay gudbiyaan dhibaneyaasha qoysaska weeraraddii 9/11.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM