Xoghayaha QM oo booqanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Image

October 29, 2014 (GO)- Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa maanta booqanaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Moon ayaa u kuurgeli doona xaaladda nololeed ee qaxootiga gaar ahaan baahiyahooda la xiriira adeegyada asaasiga ah sida: biyaha, waxbarashada iyo nadaafadda.

Dhanka kale Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu inta uu Kenya ku sugan yahay la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dowlada kenya gaar ahaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto.

Kenya ayaa sanadkii hore shaacisay inay dib usoo celin doonto qaxootiga Soomaalida ah ee dalkaas ku nool. Go'aankaas isaga ah waxaa lagu tilmaamay inuu yahay mid khuseeya ammaanka maadaama dadka qas-wadeyaashi ah kusoo dhex dhuuntaan qaxootiga.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaasoo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya ay usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro dhowr ah khasaare badanna dhaliyey oo ka dhacay Kenya, waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Dhadhaab oo ah xerada qaxooti ee ugu weyn dunida, waxaa ku jira in ka badan nus milyuun qof. Dadkaasi waxay u badan yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo ka cararay colaadda iyo xasilooni darada ka jirta Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo si kulul uga hadlay weerarada ka dhacay Lubnaan

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay falkan halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labo kun ruux.

  • Caalamka

    18-09-2024

  • 10:36AM

Weerar Xooggan: Qalab Isgaarsiinta ay Hezbollah Isticmaashay oo Qarxay, Khasaare Badan oo Ka Dhashay

Sida la soo wariyey, weerarkan ayaa ka dhashay kadib markii sirdoonka Israa’iil ay farriin u direen…

  • Caalamka

    17-09-2024

  • 04:18PM