Xoghayaha QM oo booqanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Image

October 29, 2014 (GO)- Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa maanta booqanaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Moon ayaa u kuurgeli doona xaaladda nololeed ee qaxootiga gaar ahaan baahiyahooda la xiriira adeegyada asaasiga ah sida: biyaha, waxbarashada iyo nadaafadda.

Dhanka kale Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu inta uu Kenya ku sugan yahay la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa dowlada kenya gaar ahaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto.

Kenya ayaa sanadkii hore shaacisay inay dib usoo celin doonto qaxootiga Soomaalida ah ee dalkaas ku nool. Go'aankaas isaga ah waxaa lagu tilmaamay inuu yahay mid khuseeya ammaanka maadaama dadka qas-wadeyaashi ah kusoo dhex dhuuntaan qaxootiga.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaasoo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya ay usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarro dhowr ah khasaare badanna dhaliyey oo ka dhacay Kenya, waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Dhadhaab oo ah xerada qaxooti ee ugu weyn dunida, waxaa ku jira in ka badan nus milyuun qof. Dadkaasi waxay u badan yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo ka cararay colaadda iyo xasilooni darada ka jirta Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM