Banaanbaxyadda Mareykanka: Donald Trump oo dacwad lagu soo oogay

Image

WASHINGTON, US – Kooxda u ololeysa xuquuqda xorriyadda ee ACLU oo laga soo gaabiyey American Civil Liberties Union ayaa sheegtay in ay dacwad kusoo oogeen madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo maamulkiisa.

Sidda ay ku warantay warbaahinta, dacwadda ACLU ayaa daaran eedeyn ku saabsan in maamulka Trump uu ku xadgudbay xuquuqda dadweynuhu u leeyihiin in ay sameeyaan isu soo bax nabadoon oo aan rabshado wadan.

Trump ayaa dhowaan ku hanjabay in uu adeegsan doono ciidamadda milatariga si loo joojiyo banaanbaxyadda ka bilowday geerida George Floyd oo ahaa kamid ah bulshadda madowga ee looga tiro badan yahay dalkaas.

Geerida 26-sano jirkaas waxaa u xiran saddex sarkaal boolis oo midkood uu wajahayo dacwad dil ah, halka labada kale "in ay gacan ka geysteen".

Dhanka kale, duqa magaaladda Washington DC ayaa wuxuu ku baaqay in ciidamadda milatariga laga saaro si ay ula macaamilaan banaan-baxayaasha.

Dhinaca kale, shirkadda Twitter-ka ayaa mar kale barteeda ka saartay muuqaal tacsi ah oo Trump uu u dirayay qoyska George Floyd. Muuqaalka oo ay ku jiraan sawiradda banaan-baxayaal waxaa kasoo muuqdey Trump.

War-saxaafadeed kasoo baxay Twitter ayaa lagu caddeeyay in talaabadda loo saarey muuqaalka ay tahay in uu soo sheegtay ruux kale [copyright].

Muuqaalkaas oo soconayay 45-daqiiqo isla markaana lasoo dhigay barta YouTube ee Trump ayaa Twitter-ka lasoo geliyey 3-dii June, 2020, wuxuuna qayb ka yahay ololihiisa. Gudaha YouTube, wuxuu ku helay 60-kun oo daawasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM