​Bandow lagusoo soo rogay magaalada Houston

Image

Bandow xoog leh oo bilaabanay habeenkii saq dhexe ayaa lagusoo rogay magaalada Houston ee dalka Maraykanka halkaasoo Afartii maalin ee lasoo dhaafay ay ka jirtay duufaantay ku dhufatay gobolka Texas.

Duqa magaalada Houston, ayaa warbaahinta u sheegay in arrintan loo sameeyay si looga hortago Boob lagu sameeyo hantida dadweynaha.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in Bandowga bilaabanayo Saq dhexe habeenkii kuna egtahay 05 aroornimo waqtiga magaaladaas. Balse waxaa la ogolyahay inay socdaan shaqaalaha gar-gaarka deg deg ah iyo kuwa ku socda shaqooyinkooda.

Turner wuxu sheegay in bandoodani gacan ka siin doonto ka hortagga "xatooyada hantida" taalada guryaha dadkii laga daad gureeyey, ujeedada keliya ee laga leeyahayna tahay uun in lagaga hor tago "falal danbiyeedyada dhici kara".

Madaxweyne Trump ayaa gobolka Texas booqday Salaasadii si uu u soo indha indheeyo khasaaraha duufaanka Harvey gaadhsiiyey waxaanu ku tilmaamay inuu ahaa mid "ba'an".

Duufaanta Harvey, ayaa dhibaato ba’an ka gaysatay gobolka Taxes, waxaana socda gurmad xoog leh oo loo gaynayo dadkii ku waxyeeloobay mashaqadaas.

Ku dhawaad 15 qof ayaa ku dhintay dufaanta oo ilaa hadda saamaynteeda laga dareemayo guud ahaan gobolkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM