​Bandow lagusoo soo rogay magaalada Houston

Image

Bandow xoog leh oo bilaabanay habeenkii saq dhexe ayaa lagusoo rogay magaalada Houston ee dalka Maraykanka halkaasoo Afartii maalin ee lasoo dhaafay ay ka jirtay duufaantay ku dhufatay gobolka Texas.

Duqa magaalada Houston, ayaa warbaahinta u sheegay in arrintan loo sameeyay si looga hortago Boob lagu sameeyo hantida dadweynaha.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in Bandowga bilaabanayo Saq dhexe habeenkii kuna egtahay 05 aroornimo waqtiga magaaladaas. Balse waxaa la ogolyahay inay socdaan shaqaalaha gar-gaarka deg deg ah iyo kuwa ku socda shaqooyinkooda.

Turner wuxu sheegay in bandoodani gacan ka siin doonto ka hortagga "xatooyada hantida" taalada guryaha dadkii laga daad gureeyey, ujeedada keliya ee laga leeyahayna tahay uun in lagaga hor tago "falal danbiyeedyada dhici kara".

Madaxweyne Trump ayaa gobolka Texas booqday Salaasadii si uu u soo indha indheeyo khasaaraha duufaanka Harvey gaadhsiiyey waxaanu ku tilmaamay inuu ahaa mid "ba'an".

Duufaanta Harvey, ayaa dhibaato ba’an ka gaysatay gobolka Taxes, waxaana socda gurmad xoog leh oo loo gaynayo dadkii ku waxyeeloobay mashaqadaas.

Ku dhawaad 15 qof ayaa ku dhintay dufaanta oo ilaa hadda saamaynteeda laga dareemayo guud ahaan gobolkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM