Bangladesh: Dad ku dhintey dab qasadey markab rakaab siday

Image
Tani waa masiibadii u dambaysay ee laga soo wariyey gaadiidka badda ee waddanka Bangladesh.

DHAKA, Bangladesh - Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay 70 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii markab la soo buuxiyay uu ku gubtay koonfurta Bangladesh, sida ay sheegeen saraakiisha degaanka.

Tani waa masiibadii u dambaysay ee laga soo wariyey gaadiidka badda ee waddanka Bangladesh soona food saarta mid kamid ah dalalka ugu saboolsan guud ahaan caalamka.

Dhacdadan ayaa laga soo tabiyey subaxnimadii hore ee Jimcaha meel u dhaw magaalada koonfurta miyiga ah ee Jhalokati, oo 250km (155 mayl) koonfurta ka xigta caasimada Dhaka.

Markabka ayaa waxaa saarnaa ilaa 500 oo qof. Rakaab badan ayaa ka booday markabka oo galay biyo qabow si ay uga badbaadaan dabka, sida ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah.

Sarkaal ka tirsan booliiska Moinul Haque ayaa sheegay in samatabbixiyeyaashu ay wabiga ka soo saareen 37 mayd, halka laba qofna ay u dhinteen dhaawacyo gubaso ah intii loo sii waday isbitaalka.

"Dhammaan 70-ka qof ee dhaawaca ah ayaa la dhigay isbitaallada, oo ay ku jiraan qaar gubasho daran qaba," ayuu raaciyey Haque, oo xaqiijiyey in dabku sababay matoorka oo culeys badan dareemay.

Doomaha ayaa ah gaadiidka ugu horreeya ee Bangladesh oo ay maraan ilaa 130 wabi, shilalka ku lug leh maraakiibta waa kuwa caadi ah, oo inta badan lagu eedeeyo ciriiriga ama xeerarka badbaadada dabacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM