Bas ay saarnaayeen dad uu soo ritay Covid19 oo rogmadey

Image
Ugu yaraan 27 ka mid ah dadkii saarnaa ayaa geeriyoodey halka in ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen.

BEIJING, China - Bas ay saarnaayeen dad qaba cudurka Covid-19 oo u socday xarun karantiil ah oo ku taal Shiinaha ayaa shil galay, waxaana ku dhintay 27 ka mid ah dadkii saarnaa, sidda ay warisay warbaahinta.

Baabuurka ayaa, sidda ay muujinayaan warbixinadda maxaliga ah, waxa uu ku rogmaday wado weyn oo ku taal gobolka koonfur-galbeed ee Guizhou. 20 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.

Kaliya laba qof ayaa u dhintay Covid-19 gobolka Guizhou tan iyo markii uu cudurku dillaacay ku dhawaad ​​saddex sano ka hor. Shilkan ayaa ka dhaliyay caro dhanka internet-ka ah.

Shaqsiyaadkan ayaa dhaliilay siyaasadda adag ee dowladda Shiinaha ay ku wajaheyso xakameynta fayruska. Talaabooyinka la qaadayo waxaa kamid ah baaritaanka dad badan iyo kormeer joogto ah.

Sidoo kale, siyaasaddan ayaa waxay faraysaa shaqsiyaadka uu soo rito xanuunka ama muujiya astaamo ku aadan in ay la nool yihiin cudurka waa in ay joogaan gurigooda ama ay tagaan goob karantiil ah.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan shilkan dhacay subaxnimadii hore ee Axadda oo kasoo baxay dowladda Shiinaha. Sidoo kale, illaa haatan lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa shilkna.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli loo diyaar garoobayo shirweynaha shanta sano ee xisbiga shuuciga ee bisha Oktoobar, iyada oo laga doodayo siyaasada Covid ee dalka oo la filayo in ay ka mid noqoto ajandayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka fiirsanaya weerar Iran iyo Vance diiddan dagaal sanado qaadanaya

Vance ayaa xusay in madaxweynaha Donald J. Trump uu weli ka fiirsanayo dhammaan fursadaha weerarka Iran.

  • Caalamka

    27-02-2026

  • 11:02AM

Maraykanka oo dalbaday in la xiro saddexda xarun ee ugu waaweyn Nukliyeerka Iran

Xiisadda ayaa sii kordheysa, iyadoo Donald Trump uu horey uga digay in haddii wadahadaladu fashilmaan.

  • Caalamka

    26-02-2026

  • 07:35PM