Biden oo eedeyn u jeediyey Waaxda Difaaca Mareykanka

Image

WASHINGTON, US - Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa waaxda gaashaandhigga dalkaas ku eedeeyay "masuuliyad daro" iyo inay ku fashilantay inay kooxdiisa siiso macluumaadka ay uga baahan yihiin marxaladda kala guurka.

Wuxuu sheegay in kooxdiisu ay hogaanka wasaaradda kala kulmeen "carqaladayn siyaasadeed".

Mr Biden ayaa sidoo kale ku andacooday in hay'adahan muhiimka u ah amniga Mareykanka ay la kulantey "waxyeello aad u weyn" intii uu xukunka hayay Donald Trump.

Joe Biden wuxuu xafiiska la wareegayaa 20 Janaayo laakiin Madaxweyne Trump wuu diiday inuu qirto guuldaradda.

Toddobaadyo kadib doorashadii 3-dii Nofembar, Mr Biden waxaa laga horjoogsaday inuu helo xogta maalinlaha ee dhanka sirdoon taas oo muhiim u ah caadi ahaanna qayb ka mid ah marxaladda kala-guurka madaxweynaha.

Kadib markii Mr Trump uu ugu dambeyn si rasmi ah u ogolaaday howlaha kala guurka bishii hore, Mr Biden wuxuu Aqalka Cad ku ammaanay doorka ay arrintaas ka qaateen, balse mowqifkiisa dabciyey Isniinta.

Biden ayaa hadlay ka dib warbixin kooban oo uu ka helay kaaliyayaasha amniga qaranka iyo kaaliyaasha arimaha dibada.

Khudbad uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Biden ku sheegay in kooxdiisu ay "isbaarooyin" kala kulmayaan waaxda difaaca iyo xafiiska maamulka iyo miisaaniyada.

"Xilligan, kaliya kama helno dhammaan macluumaadka aan uga baahanahay maamulka waqtigiisu dhammaaday ee goobaha muhiimka ah ee amniga qaranka," ayuu yiri. "Ma ahan wax gaaban, aragtidayda, waa mas'uuliyad darro."

Madaxweynaha la doortay wuxuu intaas ku daray in kooxdiisu ay u baahan tahay "sawir cad oo muujinaya sida ciidankeennu u muuqdo adduunka oo dhan" iyo "in cadowga Mareykanka ay ka faa'iideysan karaan jahwareer kasta oo arrintaas ka dhasha".

Kadib hadalka Mr Biden, ku simaha xoghayaha gaashaandhiga Christopher Miller wuxuu sheegay in saraakiishu ay "ku shaqeynayeen xirfada ugu sareysa si ay u taageeraan howlaha kala guurka".

"Wasaaradda gaashaandhigga waxay 164 wareysi la yeelatay in ka badan 400 oo sarkaal waxayna siisay in ka badan 5,000 oo dokumenti - taasoo aad uga badan inta ay markii hore ay codsadeen kooxda xilliga kala-guurka ee Biden," ayuu yiri.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Pentagon-ka uu “gabi ahaanba hufnaan u muujisay” kooxda Biden.

Madaxweynaha la doortay wuxuu tilmaamay in hay'adaha amniga ee muhiimka ah "laga racdeeyay" shaqaalihii, kartida iyo niyad-wanaaga.

"Geedi-socodka siyaasadda waxaa lagu sameeyay hoos u dhig ama dhinac ayaa la dhigay," ayuu raaciyay.

Mr Trump wuxuu shaqada ka ceyriyay xoghayihiisii ​​gaashaandhigga Mark Esper waxyar uun kadib doorashadii looga adkaaday, waxaana muuqata in Esper uu diidanaa baaqii Trump ee ahaa in loo howlgaliyo militariga ka hortaga banaanbaxyadda ka dhanka ah cunsuriyadda.

Talaabadda uu Trump wasaaradaha ugu dhiibay mas'uuliyiin daacad u ah waxaa walaac ka muujiyey xubnaha kasoo horjeeda kuwaasoo ku qeexay "qorshe lagu abuurayo fowdo todobaadyadda ugu dambeeya ee xilheynta Donald Trump".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM