Biden oo haweeney u doortey xilka Taliyaha Ciidanka Badda Maraykanka

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa soo jeediyey in Admiral Lisa Franchetti loo magacaabo xilka Taliyaha Ciidamada Badda, tallaabaas ayaa noqon doonta mid taariikhi ah oo ka dhigi doonta haweeneydii ugu horeysay ee hogaamisa ciidamada badda Mareykanka, xubinna ka noqota Taliyeyaasha isku dhafka ah ee ciidamada markeynaka.

Go’aanka Biden ayaa mid la yaab leh ku noqday inta badan ee saraakiisha Pentagon-ka, kuwaas oo filayey in uu xilkaasi u magacaabi doono Admiral Samuel Paparo, oo ah Taliyaha Ciidamada Badda ee ku sugan Badweynta Pacific-ga, khibradna u leh inuu wajaho caqabada sii kordheysa ee uga imaaneysa Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hase yeeshee saraakiisha ayaa sheegay in Franchetti oo hadda ah ku xigeenka madaxa howlgallada ee ciidamada badda Mareykanka ay ka mid tahay musharixiinta la filayo in loo doorto xilkaas.

Franchetti ayaa ah haweyneey aad loo ixtiraamo, khibrad dheerna u leh xilka taliyaha ciidamada badda Mareykanka ee ku sugan Kuuriya.

Qoraaal oo madaxweyne Biden bartiisa soo dhigay ayuu ku soo qaatay khibradda 38 sano ee Franchetti leedahay.

"Intii ay ku guda jirtay shaqadeeda, Admiral Franchetti waxa ay soo bandhigtay waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan dhinacyada hawlgallada iyo siyaasadda." Ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay inay tahay haweeneydii labaad ee gaartay darajada Admiral afarta-xiddigle ee Ciidanka Badda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM