Biden oo haweeney u doortey xilka Taliyaha Ciidanka Badda Maraykanka

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa soo jeediyey in Admiral Lisa Franchetti loo magacaabo xilka Taliyaha Ciidamada Badda, tallaabaas ayaa noqon doonta mid taariikhi ah oo ka dhigi doonta haweeneydii ugu horeysay ee hogaamisa ciidamada badda Mareykanka, xubinna ka noqota Taliyeyaasha isku dhafka ah ee ciidamada markeynaka.

Go’aanka Biden ayaa mid la yaab leh ku noqday inta badan ee saraakiisha Pentagon-ka, kuwaas oo filayey in uu xilkaasi u magacaabi doono Admiral Samuel Paparo, oo ah Taliyaha Ciidamada Badda ee ku sugan Badweynta Pacific-ga, khibradna u leh inuu wajaho caqabada sii kordheysa ee uga imaaneysa Shiinaha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hase yeeshee saraakiisha ayaa sheegay in Franchetti oo hadda ah ku xigeenka madaxa howlgallada ee ciidamada badda Mareykanka ay ka mid tahay musharixiinta la filayo in loo doorto xilkaas.

Franchetti ayaa ah haweyneey aad loo ixtiraamo, khibrad dheerna u leh xilka taliyaha ciidamada badda Mareykanka ee ku sugan Kuuriya.

Qoraaal oo madaxweyne Biden bartiisa soo dhigay ayuu ku soo qaatay khibradda 38 sano ee Franchetti leedahay.

"Intii ay ku guda jirtay shaqadeeda, Admiral Franchetti waxa ay soo bandhigtay waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan dhinacyada hawlgallada iyo siyaasadda." Ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay inay tahay haweeneydii labaad ee gaartay darajada Admiral afarta-xiddigle ee Ciidanka Badda Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM