Biden: Toogasho wadareed ayaa maalin kasta ka dhacda Mareykanka

Image
Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxa uu wacad ku maray in uu "ka adkaan doonto warshadaha sameeya hubka".

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa soo saaray codsi ku aaddan xakameynta hubka, isagoo sheegay in toogasho wadareed ay "maalin walba ka dhacaan Ameerika".

"Meelaha ay dagaan dadka saboolka ah [iyo] dadka laga tirada badan yahay, waxaa  kajira toogasho wadareed aan waligood gaarin heer sare oo ay gaarto meelo kale maalin kasta," ayuu yiri.

Biden ayaa waxa uu dhawaqan ka dhawaajiyay xilli uu ka hadlayay Shirwaynaha Badbaadada Bulshooyinka Qaranka kaas oo ka qabsoomay gobolka Connecticut.

Inta badan hadalada madaxweynaha ayaa u muuqda in ay ka soo baxeen xog laga helay Kaydka Rabshadaha Qori, oo ah hay'ad madax-banaan oo dabagal ku sameeya rabshadaha la xiriira hubka.

Kaydka Rabshadaha Qori ayaa waxa uu soo wariyay 296 toogasho wadareed ilaa hadda sanadkan 2023, waana ku dhawaad ​​kala bar sanadka ay aad u wanagsan tahay.

“Waan ka badin doonnaa warshadaha qoriga, waanu garaaci doonnaa lacagta faraha badan ee gadaashooda fadhida, iyo siyaasiyiinta diida inay kacaan oo wax ka qabtaan, ma sahlanaan doonto," ayuu xusay.

Laga soo bilaabo sanadkii 2020, heerka dhimashada hubka ee kuwa ka yar da'da 19 waa 5.6 100,000-kiiba. Dalka xiga ee la barbardhigi karo waa Kanada, iyadoo 0.08 ay u dhintaan 100,000-kiiba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM