Bishan Ramadaan oo dardargelisay nabadda Koonfurta Thailand

Image

BANGKOK, Thailand - Xabad joojin u dhaxeysa dowladda Thailand iyo gooni-u-goosadka hubaysan ee Koonfurta Fog ee dalka iyo shirar lagaga hadlayo qaar ka mid ah walaaca isa soo taraya ee ficilada falaagada ayaa dhiirigalinaya rajada laga qabo in horumar laga gaadho wada-hadallada nabadeed taas oo gobolka u horseedi karta xasilooni iyo nabad waarta.

Labada dhinac ayaa markii ugu horeysay si fool ka fool ah ugu kulmay dalka Malaysia 31-Maarso iyo 1-Abriil tan iyo intii uu bilawday cudurka safmarka ee Corona Virus, waxeyna ku heshiiyeen in bisha barakeysan ee Ramadan lagu dhawaaqo xabad joojin taas oo ka bilaabaneysa 3-Abriil illaa 14-May.

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa in la dhiso saddex kooxood oo wadajir ah kuwaas oo ka shaqeyn doona yareynta rabshadaha, latalinta dadweynaha iyo ka hortaga khilaaf siyaasadeed.

Gooni-goosadka ayaa u dagaalamayey sidii ay gobolka Buddhist ee Thailand uga dhigi lahaayeen gobol ka madax-banaan dowladda. Gobolkan ayaa waxaa u badan Muslimiinta Malay ee koonfurta, kuwaas oo ka tirsanaan jiray saldanadii Patani markii uu Ingiriisku u gacan galiyey dawladii markaas ka talinaysay Siam sannadkii 1909-kii.

In ka badan 7,300 oo qof ayaa lagu dilay rabshadaha la xiriira gooni isu taaga Buddhist tan iyo markii ay mar kale soo ifbaxday fallaagadan 2004, wadahadallada nabadeed ee rasmiga ah ayaana dib u bilawday sagaal sano kaddib.

"Haddii tani ay noqoto Ramadaan nabad ah, markaas waxaan u maleynayaa inay kor u qaadi doonto kalsoonida labada dhinac," ayey tiri Rungrawee Chalermsripinyorat, oo bare ka ah Machadka Daraasaadka Nabadda ee Thailand Prince of Songkla.

“Haddii ay taas maareyn karaan, waxaa laga yaabaa inay markaas ka wada xaajoodaan xabbad joojin rasmi ah,” ayey raacisay. Iyada iyo falanqeeyayaasha kale ayaa usbuucii hore sheegay in xabbad joojinta, iyadoo jilicsan oo aan lahayn kormeerayaal rasmi ah, ay u muuqato inay dhaqan gashay.

Si kastaba ha ahaatee, Sabtidii, koox fallaago ah oo taabacsan Ururka Xoreynta Patani, oo laga saaray wada-hadallada ayaa lagu soo waramayaa inay sheegatay masuuliyadda qaraxyo ka dhacay gobolka Pattani maalin ka hor, waxaana ku dhintay qof rayid ah halka ay ku dhaawacmeen saddex askari oo booliis ah.

Kooxda wada xaajoodka ee dowladda ayaa Axaddii sheegay in xabbad joojintu wali socoto, weerarka qaraxana wax dhibaato ah u keeni doonin sii jiritaanka xabad-joojinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM