Biyo xireennada Houston oo bilaabay inay biyaha sii daayaan

Image

Biyo xireen weyn oo ku yaalla duleedka magaalada Houston ayaa bilaabay inuu biyaha sii daayo, ayadoo duufaanta Harvey ay biyo xireenkaas ku khasabtay in uu celin waayo biyaha, sida ay sheegayaan saraakiisha gobolka Texas.

Injineerrada ayaa isku dayey inay ka badbaadiyaan dadkaa halkaa ag deggan in biyuhu jiiraan,ayagoo waxoogaa biyo ah ka sii daayey biyo xireenka Addicks. 

Laakinse Jeff Lindner oo ka mid ah saraakiisha koontaroolka fatahaadda ayaa sheegay in heerka biyaha ay iminka ka sare mareen gebiyada biyo xireenka. Duufaanta Harvey ayaa gobolka Texas ka dhalisay fatahaad, waxayna iminka billowday inay saamayso gobolka Louisiana.

Roobab aan hore loo saadaalin ayaa kumanaan qof ku khasbay inay guryahooda ka cararaan, halka kooxaha samatabixinta ay isku dayayaan inay gaaraan dadka weli go'doonsan.

Ilaa 9 qof ayaa la soo wariyey inay ku dhinteen deegaannada magaalada Houston. 

Lix qof oo hal qoys ka wada tirsan ayaa dhintay ayagoo ka cararayey heerka biyaha kor u sii kacaya. Inkastoo biyaha ka soo baxsanaya biyo xireenka Addicks aysan sababayn in biyo xireenku jabo, ayaa haddana la sheegayaa in ay sare u sii qaadayaan heerka biyaha ee Buffalo Bayou oo ah wabiga 4aad ee ugu weyn Maraykanka.

Saraakiisha waxay kaloo cabsi ka qabaan biyo xireenka Barker, kaasoo koontaroola xaddiga biyaha wabiga.

Madaxweyne Trump iyo marwada 1aad Melania Trump ayaa booqanaya Texas si ay u arkaan burburka ka dhashay duufaanta Harvey.

Sidaas oo ay tahayna waxaa weli socda roobkii da'ayey. Saadaasha ayaa sheegaysa in meelo ka mid ah gudaha iyo hareeraha magaalada Houston uu Talaadada ka di'i doono roob gaari kara 30 Sentimitir.

Harvey waa duufaantii ugu xoogga badnayd ee ku dhufata Texas muddo 50 sano ah. Waxay ka soo dhul billowday Corpus Christi oo 220 mayl koofur galbeed ka xigta Houston. Duufaanta oo iminka aan xawligii hore ku socon ayaa dul taagan gacanka Mexico, waxayna weli wadaa roobab xoog leh oo ka da'aya maalmaha soo socda meelo ay daadad ku dhifteen.

BBC

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM