Blatter oo loo doortay madaxweynaha xiriirka kubadda cagta aduunka

Image

Waxaa doorashada madaxweyne ee xiriirka kubada cagta ee aduunka ku guulaystay Mr Blatter.

Amiir Cali bin al-Xuseen, oo u dhashay dalka Urdun, ayaa ahaa qofka keliya ee la tartamayay Mr Blatter, waxa uuna tartanka isaga haray wareegii labaad.

Waxa uu helay codod dhan 73 wareegii koowaad ee doorashada oo ka dhacday magaalada Zurich, taa oo keentay in wareeg labaad lala galo madaxweynaha talada hayay Sepp Blatter.

Mr Blatter ayaa xilkan loo doortay markii shanaad, iyadoo ay jirto fadeexo musuq oo hareysay hay’adaasi toddobaadkan.

XIGASHO:BBC

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM