Boko Haram oo la wareegtay magaalo ku taal Nigeria

Image

Wararka ka imaanaya Waqooyiga Dalka Nigeria ayaa sheegaya in mallayshiyaad hubaysan oo katirsan kooxda Boko Haram ay la wareegeen magaalada Magumeri oo aad ugu dhow caasimadda Maiduguri.

Majirto wax khasaaro ah oo laga soo sheegay la wareegista kooxdan, balse Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in dad ku sugan magaalada Magumeri ay qadka taleefoonka ugu sheegeen in ay u qaxeen kayn ku dhaw magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha ammaanka Nigeria ayaa xaqiijiyay in Magumeri ay ka baxday gacantooda.

Bishan horaanteedii 6 qof ayaa lagu dilay Magumeri iyadoo la gubay guryo aad u badan kadib weerar ka dhacay isla magaaladaas.

Tallaabadan ayaa u muuqata in kooxda Boko Haram ay kordhisay weerarada ay ka gaysanayso Waqooyiga dalka Nigeria, inkastoo sannadkan ciidamadu ka saareen goobo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM