​Booliiska Canada oo qabtay rag weeraray masaajid

Image

Booliska Canada ayaa sheegay inay gacan ku dhigeen labo qof oo lala xiriirinayo weerar ka dhacay Masjid ku yaallo magaalada Quebec, kaasi oo ay ku dhinteen Lix ruux.

Saraakiisha Booliska magaalada Quebec ayaa sheegay inuusan jirin qof saddexaad oo ka qeyb-qaatay weerarka xarunta dhaqanka Islaamka ee Masjidkaas.

Weerarka ayaa dhacay xilli dadka ay ku jireen salaada maqrib, waxaana tacshiirad ay fureen koox hubaysan naftooda ku waayay 6 kamid ah dadkii tukanayay iyadoo 8 kalena ay dhaawacmeen.

Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa cambaareeyay weerarka, oo uu ku tilmaamay mid argagaxiso, oo lagu qaadey dad Muslim ah oo aan waxba galabsan.

Dhanka kale, Justin Trudeau ayaa shaaciyay in dalkiisa uu qaabilayo dadka Muslimka ah ee uu Madaxweyne Doland Trump ka mamnuucay inay galaan dalka Mareykanka.

Dad badan oo Qaxooti Syrian ah ayaa dib u dejin looga sameeyay dalka Canada, maadaama dalkooda uu ka socdo 5 sano oo colaad ah, taasi oo kumanaan qof ay ku dhimatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM