Booliska Kenya oo qabtey sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

Image

May 17, 2015 (GO)- Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay qabteen sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab.

Taliyaha Booliska Mombasa Robert Kitur ayaa u sheegay war-baahinta in ninkan oo da'diisu 45-jir tahay lagu magacaabo Cabdalla Saalim Bindo.

Dembiyada ninkan lagu soo eedeeyey waxaa kamid ah inuu  Al-Shabaab ka caawin jiray dhaqaalaha iyo qorista dhallinyarada Kenyanka ah ee ku biiraya Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa xirxirtey tobannaan qof oo laga shekiyey, laga soo bilaabo weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Al-shabaab la beegsatey Jaamacadda Gaarisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada ICE oo in ka badan 400 qof ku qabtay gobolka Minnesota

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota, oo ah tan ugu badan ee qowmiyad dibadda ka soo jeeda gudaha gobolka.

  • Caalamka

    15-12-2025

  • 11:26AM

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM