Booliska Qubrus oo baadigoobaya gabadh kasoo jeeda Soomaaliya

Image

NICOSIA, Qubrus – Ciidamada booliska Jaziiradda Qubrus ee dhacda bariga badda Mediterranean ayaa baadigoobaya haweenay Soomaali ah, sidda uu Talaadadda maanta ah wariyey mareega maxaliga ah ee In-cyprus.philenews.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, Isra Diiriye oo 17-jir ah ayaa hoygeeda laga waayey Isniintii 5-ta October ee sanadkan aynu ku jirno 2020-ka.

Isra oo ku nooleyd magaalada Limassol ayaan lasoo bandhigin macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan howlaha ay ka qabaneysay Jaziiraddaas.

"Diiriye oo dhirarkeedu yahay 1.70 mitir, isku cel-celis ahaan, ayaa leh timo midabka kafeyga ah. Markii cid ugu war-dambeysay waxay wadatay dhar isugu jira cadaan iyo madow si lamid ah qamaar," ayuu tibaaxay boggan.

Taliska bileyska ayaa waydiistay dadweynaha in ay lasoo wadaagaan xogo ku saabsan Isra, hadii ay hayaan, ama hadii ay meel ku arkaan.

Qubrus ayaa kamid ah wadamada caalamka ee qaxootiga Soomaalida iyo jinsiyadaha kale ay aad u dageen sanadihii ugu dambeeyay, iyagoo dalalkooda uga cararaya sababo ay kamid yihiin shaqo la'aan, colaad iyo dagaalo.

Bishii October 2018-kii, hooyo iyo gabadheeda oo Soomaali wada ah ayaa dib ugu midoobay gudaha Qubrus kadib saddex sano ay kala maqnaayeen.

Hooyo Saamiya oo ku horeysay Qubrus kuna gashay soogalooti ahaan ayaa isla markii ay halkaas ka degtay waxay u doodey gabdheeda Manaar taasoo ku sugneyd Muqdisho, waxaana farxadaas fududeeyay hay'ada IMO iyo dowlada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM