​Boqor Salmaan oo wiilkiisa u magacaabay dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga

Image

Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wax ka beddelay qaabka dhaxalka boqortooyada, isagoo wiilkiisa, Mohamed Bin Salmaan, ka dhigay ninka dhaxli doona boqornimada.

Mohamed oo hada ah wasiirka Gaashaandhiga ayaa horey u ahaa dhaxa-sugaha 2aad, waxaana aad loogu saadaalinayya inuu booska boqortooyada kala wareegi doono Mohamed bin Nayef oo isagu ahaa Wasiirka arrimaha gudaha.

Nayef ayaa xilkaas laga qaaday waxaana sidoo kale laga wareejiyay inuu noqdo dhaxal sugaha boqortooyada.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Boqor Salmaan ayaa arrintaas lagu sameeyay, waxaana shacabka loogu baaqay inay daacadnimo u muujiyaan wiilkiisa Mohamed.

Maxamed Bin Salmaan oo 31 jir ah ayaa sii hayn doona wasaaradda uu ku magacaaban yahay ee gaashaandhigga, wuxuuna sidoo kale noqonayaa ra’iisul wasaare ku xigeen.

Arrintan oo dhacda saakadii hore maanta oo Arbaco ah ayaa dad badan kadis ku noqotay, walow horay u jireen xiisad ka dhex taagan qoyska reer Boqor, taasoo loo aanaynayo in Boqor Salmaan qaato go'aankan.

Mohamed bin Salmaan

Wiilkan laga dhigay Dhaxal Sugaha Boqortooyada ayaa aad galaan gal ugu leh arrimaha Khaliijka, waxaana sidoo kale la aaminsanyahay inuu yahay shakhsiga dabada ka riixaya dagaalka kasocda Yemen.

Nayef oo 57 sano jir ah kama hadlin sida uu u arko xilka ka qaadista lagu sameeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM