Boqorka Jordan oo la-taliyihiisa ka dhigay Ra'iisul Wasaare

Image

Boqorka Jordan ayaa shalay diblomaasi rug-caddaa ah u magacaabey xilka Ra’iisul Wasaaraha, maalmo kadib markii uu is-casilay Cumar Al-Razzaz, sida ay sheegtay Madaxtooyadda.

Bisher Al-Khasawneh, oo tan iyo sanadkii tagey ahaa la-taliyaha boqor Cabdalla ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh, oo wax ka qaban karta dhibaatooyinka ka jira Jordan xilligan.

Magacaabistiisa ayaa timid kadib markii boqorka kala diray Baarlamanka Sept. 27, taasoo soo afjartay mudo-xileedkii Xukuumadii hore, oo dastuurka ku qasabayo inay isku-casisho todobaad gudihiisa.

Al-Khasawneh waxaa sidoo kale looga fadhiyaa inuu qabto doorasho baarlamaani ah November 10, iyadoo la saadaalinayo in Xisbiga talada hayo uu heli dooni kuraasta ugu badan gollha sharci dejinta.

Jordan ama Urdun qofka sida uu u yaqaano waxay wajahaysaa caqabado waawayn xilligan, kuwaasoo ay kamid yihiin COVID-19 iyo dhibaatooyin dhaqaale.

Dhaqaalaha dalka ayaa la filayaa inuu hoos u dhaco sanadkan 6%, waxaana lagu tilmaamay xaaladda hadda ka jirta midii ugu xumayd, iyadoo shaqo la’aanta iyo sabool-tinimada gaareen heerkii ugu hooseeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM