Boqorka Sacuudiga oo casuumaad u diray Amiirka Qadar

Image

RIYADH, Sacuudiga – Boqorka Sauudiga, Salmaan, ayaa Amiirka Qadar ku casuumay shirka sanadlaha urur goboleedka wadamada Khaliijka oo todobaadka dambe ka furmaya magaaladda Riyadh.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar oo xaqiijisay martiqaadka ayaanan kala caddeyn hadii Amiirka uu ka qeybgelayo iyo in uu ka baaqan doono.

Shirka 40aad ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa la filayaa inuu caasimadda Sacuudi Carabiya ka dhaco 10-ka December.

Qabsoomida shirkaan ayaa kusoo aadaya iyadda oo Dooxa ay saaran tahay xayiraad laba sano jir-satay oo ay kusoo rogeen dalal ay ku jiraan Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Masar iyo Baxreyn.

Saddex kamid ah dalalka go'doominta dhulka iyo cirka geliyey Qadar ayaa ka qeybgalaya tartan kubadda cagta ah oo ka socda Qadar xili ka qeybgalkooda ay ku dhawaaqeen daqiiqadihii u dambeeyay.

Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa waxaa xubin ka ah; Baxreyn, Kuwait, Cumaan, Qadar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Kulan madaxeedka 40aad ayaa lagu wadaa in dib u eegis loogu sameeyo xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka, guud caalamka iyo dedaaladda lagu xasilinayo dalalka Khaliijka.

Soltan bin Saad Al-Muraikhi, wasiirka arrimaha dibadda waddanka Qadar, ayaa wuxuu hogaaminayey wafdiga sanadkii hore 2018 xukuumadda Dooxa kaga qeybgalay shirka oo isla Rayid ka qabsoomay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM