"Boqortooyadda Beenta" ee kasoo ifbaxdey duulaanka Ruushka

Image
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa hoos u dhigay in dalkiisa uu u dhutin doono xayiraadaha reer Galbeedka.

MOSCOW, Russia - Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku tilmaamay wadamadda reer Galbeedka "Boqortooyada Beenta" isagoo kala hadlaya dhaqaalaha Ruushka Ra'iisul Wasaare Mikhail Mishustin iyo mas'uuliyiinta kale ee ugu sareysa dalkiisa markii lagu soo rogay cunaqabateyn ka dhan ah Moscow, sida laga soo xigtay Kremlin.

"[Mishustin] iyo anigu waxaan ka wada hadalnay mawduucan, si dabiici ah aniga oo maskaxda ku haya cunaqabataynta in waxa loogu yeero bulshada reer galbeedka - sida aan ugu yeeray hadalkayga, 'boqortooyada beenta' - ay hadda isku dayayaan inay ka fuliyaan waddankeena," ayay Kremlin-ka kasoo xigatay Putin.

Dhanka kale, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeeda gantaallada istiraatiijiga ah iyo maraakiibta Waqooyiga iyo Baasifigga la geliyey heegan dagaal si waafaqsan amarka Putin, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Interfax.

Wasiirka Difaaca Sergei Shoigu ayaa u sheegay Putin in "isbedelka shaqada ee xarumaha taliska ciidamada gantaalaha istiraatijiyadeed, waqooyiga iyo maraakiibta Pacific, iyo taliska duulista ee riddada dheer ay bilaabeen inay fuliyaan waajibaad dagaal oo ay la socdaan daabulid askar, sida ay Interfax kasoo xigtay wasiirka.

Geesta kale, Mareykanka ayaa joojiyay howlihii safaaradda uu ku lahaa caasimadda Belarusia ee Minsk, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Blinken waxa uu bayaan uu soo saaray ku caddeeyay in Washington ay sidoo kale u ogolaatay shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee safaaradda Maraykanka ee Ruushka inay ka baxaan dalka.

"Waxaan qaadnay tillaabooyinkan arrimo amni oo ka dhashay weerarrada aan loo meel dayin ee ay ciidamada Ruushka ku qaadeen Ukraine," ayuu hadalkiisa ku daray Antony Blinken.

Wasiirada difaaca ee Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in ay ka wadahadlaan qorshayaasha dambe si ay si wadajir ah u maalgaliyaan hub qiimihiisu yahay 500 milyan oo Yuuro ($ 560m) la geynayo Ukraine.

Hubkaas waxaa kamid noqon doona noocyo kala duwan oo hub difaac ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadaalka Kyiv ee lagu doonayo in lagu iska caabiyo ciidamada Ruushka.

"Dawladaha xubnaha ka ah waa in ay bixiyaan hubkan, waa in ay isku dubbaridaan waxa ay qabanayaan gaar ahaan agabkan," ayuu yiri madaxa siyaasadda EU-da Josep Borrell ka hor shirka wasiirada difaaca ee ururka.

Wuxuu raaciyey: "Dagaalku waa mid adag, Kyiv waxay iska caabinaysaa Ruushka, Ruushkuna wuxuu bixinayaa khasaare badan oo dhimasho ah, laakiin waa inaan bixinaa rasaasta, waa inaan bixinaa qoryaha sare iyo qalabka taangiyada. Sidoo kale shidaalka ... Taangiyada, diyaaradaha, dhammaan waxa ay tahay in la isku duwo."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo ka Joojiyay Soomaaliya Fiisaha Cumrada 

Joojinta kumeel gaarka ah waxay khusaysaa dadka codsanaya fiisayaasha Cumrada iyo booqashada qoyska.

  • Caalamka

    29-04-2025

  • 08:01AM

Xisbiga Liberal ee Mark Carney oo Doorashadii Kanada Guul Ka Gaaray

Saadaasha guusha ayaa timid wax yar kadib markii la xidhay goobaha codbixinta ee dalka…

  • Caalamka

    29-04-2025

  • 03:45AM