Boqortooyadda Sacuudiya Carabiya oo ajaaniibta u ogolaatay Cumrada

Image
Image
Image

RIYADH, Saudia – Sacuudiga ayaa Axada maanta ah wuxuu soo dhaweeyay qeybtii koowaad ee ajaaniibta gudaneysa Cumrada kadib markii bilooyin kahor loo mamnuucay sababo la xiriira ka hortaga aafadda Coronavirus.

Ogolaanshiyahan ayaa timid markii la dabciyey xayiraadaha Covid-19. Xujey gaareysa 20,000 iyo 60,000 Muslimiin kale oo cibaadeyneysa ayaa loo ogolaan doonaa labada Masjid ee barakeysan iyo hareeradooda.

Mas'uul u hadlay xukuumadda Riyadh ayaa shaaca ka qaadey in ay soo rogeen shuruud ay muhiim tahay in ay dhaqan-geliyaan dadkan si loo ilaaliyo badqabkooda gaar ahaan halista fayruska safmarka ah.

"Kala fogaanshiyaha waa qodobka ugu muhiimsan ee looga hortagayo in dadka ay hal goob isugu yimaadaan," ayuu ka dhawaajiyey, isagoo ku daray in goobaha dadka ku badan yihiin lagu daabulay jeermis dile tiro badan.

Howlwadeeno caafimaad oo tababaran, xarumo karantiil iyo baro lagu hubiyo kiisaska dadka laga shakiyo ayuu tibaaxay in ay diyaariyeen.

Sidda uu wariyey telefishinka ay Boqortooyadda maalgeliso ee Al Carabiya, xujeyda ayuu ku booriyey in ay u hogaan-samaan awaamiirtan.

Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay in uu qorsheynayo in uu si tartartiib u qaado xayiraadaha Coronavirus bilooyinka soo aadan, balse waa hadii Wasaaradda Xajka iyo Cumrada si lamid ah Wasaaradda Caafimaadka ay soo jeediyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM